New Zealand oo mar kale maanta uu ka dhacay kala carar kaddib weerarkii lagu laayey muslimiinta

0
625
Wadanka New Zealand ayaa ku jira xaalad adag kadib markii muslimiin badan lagu laayay laba masaajid oo ay ku gudanayeen waajibaadkooda diiniga ah

Dunedin (Burcoonline) 17.03.2019 –Wadanka New Zealand ayaa ku jira xaalad adag kadib markii muslimiin badan lagu laayay laba masaajid oo ay ku gudanayeen waajibaadkooda diiniga ah, waxeyna dhacdadaan noqotay mid aad looga hadal hayo dunida sidoo kalana saameyn la taaban karo ka dhalisay gudaha wadankaasi.
Muslimiin badan ayaa ka cadhooday falkii dhacay kuwaas oo dareen ahaan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan falal kale oo dhacdadaas foosha xun looga jawaabayo, inkastoo kadib wixii dhacay si qurux badan loola macaamilay.
Maanta waxaa laga soo sheegayaa magaalada Dunedin ee isla wadankaasi in garoon diyaaradeed lagu kala cararay kadib markii la helay bashqad weyn oo la garan waayay waxa ku jira, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli la filan karo falal aargoosi diimeed ah.
Booliiska waxey ku guuleysteen iney guud ahaan dadka ka saaraan garoonka diyaaradaha, sidoo kalana ay ku hawlan yahiin iney ogaadaan waxa ku jira bashqadda iyagoo gacan ka helaya koxaha baadhayaasha ee arrimahaan la tacaala.
Sababo dhanka amaanka ah darteed waxaa la hakiyay duulimaadyo badan oo maanta ka fuli lahaa garoonkaasi, waxaana arrintaan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dadka wadankaasi ay yihiin kuwa feejigan oo mar walba xusuusan wixii dhacay maalmahii lasoo dhaafay.
Tiro dhan 50-qofood ayaa lagu laayay weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay laba masaajid oo ku yaslla magaalada Kirisjarj (Christchurch) sidoo kalana in ka badan tiradaasi ayey waxyeello kala duwan kasoo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here