Mid ka mida Madaxda Ciidamada AIMSOM oo la shaaciyey inuu ku geeriyooday Diyaaradii Burburtay ee Ethiopia Airlines

0
776

Mid ka mida Madaxda Ciidamada AIMSOM oo la shaaciyey inuu ku geeriyooday Diyaaradii Burburtay ee Ethiopia Airlines

 Xukuumadda Uganda ayaa xaqiijisay maanta dhimashada taliye ku xigeenkii booliska AMISOM ee k a hawlgala Somalia, Christine Alalo taasoo ka mid ahayd rakaabkii la socday diyaaradda Ethiopian Airlines ee ku bur-burtay gudaha dalka Itoobiya.

Inkstoo Taliska booliiska Uganda uu xalay beeniyay warkan oo markii ugu horreysay lagu shaaciyay baraha bulshadu ay ku xidhiidho, ayaa haddana mar dambe waxaa taliska booliiska Uganda uu xaqiijiyay geerida Christine Alalo.

Sidoo kale, Christine Alalo ayaa waxay ahayd taliye ku xigeenka ciidammada booliiska AMISOM ee ka socda dalal dhawr ah, kuwaasoo ciidamada booliiska Somalia gacan ka siiya dhanka tababarrada iyo qalabeynta.

Dhanka kale, Afhayeenka booliiska Uganda, Fred Enanga ayaa wuxuu xalay beeniyay geerida gabadhaas, balse wuxuu xaqiijiyay mar danbe inay ku geeriyootay shilka diyaaradeed.

Rakaabkii la socday diyaaradda Itoobiya laga leeyahay oo safarkeedu ahaa Addis Ababa iyo Nairobi oo ah xarumaha Kenya iyo Itoobiya ayaa dhamaan la sheegay inay ku geeriyoodeen, kuwaasoo tiradoodu ahayd 149 qof oo ah rakaab iyo sideed shaqaalihii diyaaradda ahaa.

Soomaalidii ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa tiradooda lagu sheegay in ay dhan tahay sagaal qof oo dhammaantood watay baasaboorro ajnabi ah marka laga reebo mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska RW Khayre oo isagu watay baasaboorka Soomaaliga.

Ugu dambeyn, Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa kaloo ku geeriyooday qaar ka mid ah hay’adaha QM ee fadhigeedo yahay Nairobi, kuwaasoo qaarkood ay u dhasheen dalka Kenya oo ahaa dalkii ay tiradii ugu baydn ku waayay shilkaas diyaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here