Jabhada Korneyl Caare Oo Fadhataysataysi Ka Bilawday Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer,Iyo Masuul La Goostay Lacag Tiro Badan
Xisaabiyihii Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Ayaa La Goostay Lacag Gaadhaysa Ku Dhowaad 32000,000 Milyan Oo Shilinka Somaliland, Taas Oo Ahayd Mushaharkii Cuqaasha Iyo Shaqaalaha Gobolka Togdheer
Sarkaalkan Ka Tirsana Maamulka Gobolka Togdheer Oo Maqan Mudo Ku Dhowaad 5 Cisho Ah.Ayaan La Xaqiijin Halka Uu Ku Sugan Yahay Balse Warar Xog-Ogaala Oo Aanu Helayno Ayaa Sheegaya Inuu Ku Biiray Jabhada Caare,Isla Markaana Wakhtigan Uu Ku Sugan Yahay Magaalada Garoowe Ee Caasimada Maamul Goboleedka Puntland,
Dhanka Kale Wararka Aanu Helayo Ayaa Sheegaya In Masuulkan La Goostay Lacagta Uu Safar U Gelaayo Dhankaas Iyo Magaalada Muqdisho,Halkaas Oo Uu Shaqo Ka Raadinaayo,
Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Ayaan Ilaayo Hada Ka Hadlin Sababta Ka Danbaysay Inuu Sarkaalkani Goosto
Wakhtiyo Kala Duwan Oo Warbaahintu Arintaasi Wax Ka Weydiisay Badhasaabka Gobolka Togdheer Waa Uu Ka Gaabsaday,
Khilaaf In Mudo Ah U Dhexeeyay Badhaasabka Gobolka Togdheer Iyo Xisaabiyaha Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer Mustafe Macalin Ayaa Sababtay Inuu Masuulkani Ugu Danbayntii Ku Biiro Jabhada Caare,