Dawladda Maraykanka Oo Jimcihii Todobaadkan aynu soo dhaafnay Muwaadiniinteeda Itoobiya ku sugan uga digtay 10-March Oo Shalay ku beegnayd inaanay wax safaro ah galin

0
477
Dawladda Maraykanka Oo Jimcihii Todobaadkan aynu soo dhaafnay Muwaadiniinteeda Itoobiya ku sugan uga digtay 10-March Oo Shalay ku beegnayd inaanay wax safaro ah galin.Dawladda Maraykanka ayaa Maalintii Khamiistii soo saartay Digniin ay 10-March Oo Shalay ku beegnayd ay Muwaadiniinteeda uga digtay Khataro kusoo fool leh Itoobiya sida mudaharaado iyo arimo kale, waxa kale oo ay gabi ahaanba ka mamnuucday Muwaadiniinteeda inay wax safar ah galaan, Gudaha iyo dibadda Dalka.

Dawladda Maraykan ayaa Digniintan ugu sheegtay Muwaadiniiteeda inaanay iman, kana dhoofin Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Bole International ee Adisababa 10-March oo Shalay ahayd oo diyaaraddii Shalay ka duushay garoonkani ay burburtay, iyadoo si gaar ah arintan loogu xusay Shaqaalahood safaaradda Maraykanka iyo danjirayaasha dalkaasi ka joogaba.

Waxay ku xuseen arintani cabsi laga qabo mudaharaado dhaco, iyadoo bishan illaa 6-deedii ay mudaharaado badani ka dhaceen deegaamo badan oo ka tirsan Dhulka Oromadu degto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here