Koox hubeysan ayaa meel aan ka fogeyn hoygiisa magaalada Muqdisho ku dishay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka, horeyna u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka Labaad Baarlamaankii KMG.
Dilkan ayaa ka dhacay degmada Karaan, waxaana la soo weriyey inay goobtaa ka baxsadeen kooxdii dilka geystay.ilaa hadda ma jirto cid loo qabtay Dilkiisa.
Xildhibaan Boqorre ayaa hore loogu dilay magaalada Muqdisho Wiil uu dhalay,Xildhibaan Boqorre ayaa ka soo jeeda Degaanka Saylac ama Selel