Somaliland: Ciidanka Qaranku Waa Difaaca Dalka Iyo Dadka

0
661

Somaliland: Ciidanka Qaranku Waa Difaaca Dalka Iyo Dadka

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa bishan, February, ku jira sannadguuradii 25 ee la asaasay. Ciidanka Qaranka ee Somalilnad waa geesiyaasha diyaar u ah difaaca dadka iyo dalkaba. Ciidanku is bedel weyn ayuu gaadhay 25kii sannadood ee ina soo dhaafay.

Marka la eego dhanka tabararka sariikiisha iyo askartaba. Marka la eego dhinaca qalabka, iyo adeega, isgaadhsiinta iyo maamulka, horumar laxaad leh buu gaadhay. Cadow fara badan oo isku soo qaaday, ayaa ku jabay, oo ku lug go’ay.

Hadaba, waxaa muhiim ah in aan la is dhigan, oo halkaa laga sii wado hawsha. Ciidanku Qaranku wuxuu ka qayb qataay gargaarka dadka iyo ka hortaga dhibaatooyinka deggaanka ku yimaada, sida abaaraha, daadka, iwm.

Markaa, mar hadduu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahaan jiray sarkaal ciidanka cirka, waxaanu ka filaynaa, in Somaliland dhisato ciidankaas.

Allaa Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here