Taxanaha Wax Ka Baro Dhaqammada & Caadooyinka 150 Qof Oo Caan Ka Ah Caalamka. Kadim M Ali

0
681

Waxa uu qoraagu buuggiisa ku soo qaatay arrimo ay ka mid yihiin xilliyada ay soo kici jireen , sida ay maalintooda ku bilaabi jireen , waxa ay galabtii

Maqaalka qormadani waxa uu hordhac u yahay qormooyin aan ku soo koobi doono buugga magaciisu yahay “daily rituals :how Artists work”. Ugu horeyn waxaynu macluumaad kooban ka qaadan doonaa buuggan iyo qoraaga qoray. Buuggan waxa qoray Mason Currey oo ah qoraa iyo weriye u dhashay dalka Maraykanka. Buuggan waxa uu qoraagu ku soo bandhigay caadoyinka ay lahaayeen iyo sida ay wakhtigooda ku qaadan jireen dad badan oo caan ka ahaa / ka ah dunida una badnaa qoraayo ,sidoo kalena ay ku jiraan farshaxano,iyo fanaaniin. Waxaana uu ka kooban yahay ilaa 300 oo bog. Waxa uu qoraagu buuggiisa ku soo qaatay arrimo ay ka mid yihiin xilliyada ay

soo kici jireen , sida ay maalintooda ku bilaabi jireen , waxa ay galabtii iyo habeenkii qaban jireen,iWM. Inkastoo uu qoraagu ku soo qaatay dad gaadhaya ilaa 150 qof , oo uu isku dayay inuu sheego qof-kastaa waxa uu ku qaadan jiray maalin-tiisa laga soo bilaabo subaxa ilaa laga gaadhayo xilliga ay seexanayaan. Balse marar-ka qaar waxa dhici jirtay in aanu helin xog-taas oo dhammaystiran taas oo sabab u noqon jirtay inuu soo bandhigo qeybo yar oo kooban oo ka mid ahaa sida ay ahayd maalintiisu. Tixraac-yada uu isticmaali jiray waxa ka mid ahaa xusuus-qorkoodii , waray-siyo laga qaaday , dad la noolan jiray waxay ka yidhaahdeen iyo qaar kale . Dadka uu qoraagu qalinka u qaatay waxay isugu jireen dad hadda nool iyo qaar geeriyooday-ba. Inkastoo aynaa dhammaantood wada qaadan doonin , balse haddana waa buug fursad kuu siineya inaad wax ka ogaatid nolosha dad laga yaabo inaad magacyadooda maqashay. Wakhtiga aad ku dhex jirto akhrinta buuggan waxa aad la kulmi doontaa dhaqamo kaa yaabin doona. Tusaale ahaan nin qoraa ahaa (VICTOR HUGO) oo ka mid ahaa dadka ku xusan buuggan , ayaa waxa uu caado u lahaa inuu qoro hadalka uu ku hadleyo oo dhan, marka laga reebo in yar mooyee! Waxaana cajiib ahaa in hadaladaasi ay ahaayeen qaar hadhaw la daabaco oo buug lagu soo daro. Dadka caanka ah ee buuggan lagu soo qaatay waxa ka mid ahaa Benjamin Franklin, Ernest Hemingway, Thomas Edison, B.F Skinner, Pablo Picasso, Maya Angelou, Rene Descartes ,Beethoven , iyo qaar kale oo badan. Habka aynu buuggan u soo qaadan doono ayaa waxa ay noqon doontaa:  Waxaan si kooban u sheegi doonaa waxyaabaha ay ka sinaayeen ama ay wadaagi jireen dad-kaasi intooda badani.  Dhaqammo ama hadalo dad-kaasii ay lahaan jireen oo aniga I soo jiitey. Waxa dhab in haddii dhawr qof isla hal buug wada akhriyaan , ay dhici doonto in haddii nuxurka ku jira wax laga weydiiyo ama lagu yidhaahdo wax ka qora ; ay dhici doonto in meelaha qaar ay isku waafaqaan qaarna ay ku kala duwanaadaan. Ugu dambeyntii waxa iga xasuusin ah in sababta aan buuggan u doortay inaan bulshada la wadaago ay ahayd inay ku jireen dad qoraayo ahi . Markaa hadaad rabto inaad mustaqbalka aad wax qorto , tijaabi inaad leedahay ama aad jeceshahay caadooyinkaaas aynu dhawaan arki doono qaar ka mid ah . Waayo waxay ahaayeen qaar ay inta badan qoraayada aan buuggan ku arkay ay wadaagi jireen. F.G 1- Haddii ay jirto cid u baaahan inaan maqaalo u diyaariyo degeladooda ama wargeys-yada qaar waxay igala soo xidhiidh karaan ciwaankeygan hoos ku yaal. Sidoo kale hadday jiraan cid xiiseynaysa akhriska ama aad tahay qoraa ama rabto inaad noqoto qoraa. Waxaad igala soo xidhiidhi kartaa ciwaankaasi. 2- Waxa iga xasuusin ah inay sunne tahay in la soomo xilliga qaboobaha. Maalinka ayaa gaabanaya , haraad badana ma dareemeysid. Dhulkuna waa qabaw.

 

Bulside3@gmail.com

View at Medium.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here