Muran Dhulleed Oo Ka Soo Cusboonaday Magaalada BERBERA Iyo Rasaas La Isu Adeegsaday+Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo Bandow Ku Soo Rogay Qaybo Ka Mida Magaalada Berbera

0
593

Muran Dhulleed Oo Ka Soo Cusboonaday Magaalada BERBERA Iyo Rasaas La Isu Adeegsaday+Ciidanka Booliska Gobolka Saaxil Oo Bandow Ku Soo Rogay Qaybo Ka Mida Magaalada Berbera Waa Markii ugu horaysay ee Magaalada Berbera Dhul goor habeenimo ah la Dhisto Uu Fasaxay Duqa Berbera Berbera Cabdishkuur Cidin Iyo Dagaal Culus Oo Ka Dhacay.

Dhulkan oo uu khilaafkiisu udhexeeyey labo qoys ayaa waxaa si cad ugu fasaxay mid kamid ah duqa Berbera kadib markii uu kula shuraakoobay dhulkan Muuse Dalab oo ahaa mudica kowaad ee dhulkani ku haystay ilma sheekh Cusmaan Nuur . Dhulani oo ku yaala kasoo horjeedka Kaalinta Diamond ee magaalada Berbera ayaa waxaa la bixiyey 1986kii kaasi oo la siiyey Axmed Yaasiin Cali sheekh balse waxaa dhulkaasi ku qabsaday oo shirci cusub oo ah 2018 loo sameeyey Ganacsade Muuse Dalab . Khilaafka dhulakan ayaa cirka isku shareeray kadib markii dagaal gacan ka hadal iyo qoryo isugu jiraa uu dhex maray labadan kooxood isku haysta kadib markii uu si badheedh ah duqa Berbera uu garabka usaaray ganacsade Muuse Dalab oo ay dhulkaasi ku shuraakooban . Dhulkani ayaa wa aa kamid ahaa kuwii ay bixisay dawladii siyaad barre balse maayar Cidin ayaa u samaystay sharci cusub .
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa ka amuusay arintani halkuu talaiyaha Qaybta booliskuna uu sheegay inaanu joojin karin dhulkani sharci darrada lagu dhisanayo ee khilaafku mudada kasoo jiray .
Odayaal ergo ah ayaa utagay maamulja gobolja iyo ciidanka oo ku dacwooynaya in loo joojiyo dhulkaasi balse waxay dhamaantood sheegeen iyagoo ka shidaal qaadnaya amarka duqa inaanayn awood u lahayn is hortaagista dhulkani . Balse waxaa caawa fiidkii halmar isla oogsatay dhawaaqa rasaas xoogan oo ka dhacay dhulka laysku haysto oo markaasi la dhisayey goor habeenimo ah kadib markii loo badheedhi waayey in maalinimo la dhiso .
Kooxaha diidan dhisaha dhulkani ayaa ku andacoonaya in maxkamada iyo haayadaha sharciga ay ku qanacsan yihiin waxay ku go aaminayaan balse waxay balan qaadeen inay sii wadayaan dagaalka ay kaga soo horjeedan eexdan cad uu sameeyey Duqa Berbera Cidin . Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkani balse waxaa la sheegaya inay jiraan dhaawacyp fudud oo soo gaadhay qolooyinkii gacanta ku haysay dhismaha goobtani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here