Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ku baaqay in loo sinaado dawladnimada somaliland isla markaana laga ilaaliyo in cid gaar ah lagu naasnuujiyo iyada oo qabyaalad la adeegsanayo

0
486

Siyaasi Cabdikariim oo qoraal ku baahiyey bogiisa Facebook  ayaa sidoo kale ku baaqay in laga dheeraado cadaalo daradii lagula dagaalamay Siyaad Bare.

Qoraalka siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa u dhignaa sidan :-

“Darka dawladnimada waa in si’siman looga caaba, waana in laga fogaada tol ka waraabinta ku dhisan eexda iyo qaraabokiilka oo ah qabyaalad tan ugu xun. Gorofka ay ku jiraan caanaha qarankuna waa in uu noqdaa hoo kabo iyo hoo kabo markaaga!

Somaliland

seeskeedu waa caddaalad iyo in laga fogaado cadaallad-darradii shalay laga dagaalamay ninkii intaas diida isagaan Somaliland guul la rabin!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here