War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cafis U Fidiyey Sarkaal Boolis Ah Oo Lagu Xukumay Xadhig Gaadhaya 10 Sanadood

0
524

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta kulan hadhimo sharafeed ah la qaatay qaar ka mid ah madax dhaqameedka beelaha Garxajis oo uu uga mahad celinayey sidii ay ugu soo dhaweeyeen gobolada bariga somaliland wakhtigii uu safarka ku marayey ayaa ku war geliyey inuu cafis u fidiyey Gaashaanle Axmed Cadib oo ka tirsanaa ciidamada booliska somaliland..

Suldaan Cali Yuusuf Cabdi(Cada Cas) oo ka mid ahaa madax dhaqameedka ka qayb galay kulanka hadhimo sharafeedka ah  oo goor dhawayd khadka telefanka ugu waramay

Hadhwanaagnews ayaa sheegay in madaxweynuhu ku war geliyey inuu cafis u fidiyey sarkaalkaas oo ka tirsanaa ciidamada booliska somaliland, kaas oo maxkamada ciidanku ku xukuntay xadhig gaadhaya 10.

Suldaan Bada Cas ayaa sidoo kale sheegay in sarkaalkan la xidhay ka dib markii lagu xidhiidhiyey inuu lug ku lahaa  shaqaaqooyinkii beelaha ee ka dhacay gobolka Sanaag.

 

Xigaasho Hadhwanaagnews

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here