Madaxweynaha Somaliland Oo Tog-wajaale Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha DDSI,Mustafe CagjarWaxaa imika soo gaadhay magaalada Togwajaale ee ku taala Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Maxamed Cumar (Mustafe Cagjar) iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Waxaana Wafdigan Togwajaale qaybta Somaliland ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo Mayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco oo shaqadisi dayacan tahay ayaa ka dhex muqda sawirka waftiida cebay tacal ,
Labadan wafdi ayaa kulan ku dhexmari doonaa Togwajaale qaybta ay maamusho Somaliland sida uu qorshuhu yahay.
Walaw aan si rasimiya loo shaacin ujeedada socdaalkan uu ku yimid Madaxwayne Mustafe Cagjar Somaliland haddana waxa ay sheegayaan wararka Hordhaca ah ee ay Shabakada Hadhwanaagnews helaysaa inay kawada hadlayaan xidhiidhka ka dhaxeeya labada shacab iyo qodobo kale.