Waxaa Saaka Qasriga Madaxtooyada Somaliland Ka Dhacay Wajigii Labaad Ee Shirka Xisbiyada Somaliland + Faah-faahinta Qodobada Laga Dooday.

0
608

Waxaa saaka madaxtooyada Somaliland ka bilaabmay wajigii labaad ee shirarkii ay iskugu  imanayeen xisbiyada Somaliland iyo xukuumada talada haysa .

Shirkan saaka ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland  waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socda Saddexda  xisbi qaran oo ay kala hogaaminayaan Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani  Cabdiqaadir Jirde iyo gudoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga   Cabdinaasir Buuni

Shirkan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin in  arintaa Gudida doorashooyinka laga dhigo qodobka koobaad ee laysla falanqeyn doono iyo in la saaro gudi kooban oo sii wada wada hadalada Xisbiyada.

Kulankani ayaa waxaa fadhiga kan xiga  loo balamay Maalinta Arbacada ah ee soo socota , kaas oo ay gudoomiyayaashu ka qeyb gali doonan kana dhici doona Hotel Ambasadoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here