Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee codadka dhiibtay ayaa ahaa 147-Xildhibaan, waxaana doorashada wareega koobaad Musharaxii hela sadex meelood meel ku guuleesanayay doorashada , waxaa jiray codad badan oo halaabay.
Xildhibaan Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa haley codadkii la dhiibatay 101 cod helay, halka musharaxa ku soo xigay oo ahaa Aadan Saransoor 22 cod, halka musharixiinta kale , Ibraahim Macalin Nuuroow , Sayid Axmed Sheekh Daahir 4 cod, Xusseen Cismaan Xusseen oo helay 2 cod.
Guusha Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa horeyba loo sii saadaalinayay waxaana maalmihii ugu danbeeyayba jiray tuhun la xiriiray in dowladda Soomaaliya taageero mug leh siineyso Cabdicasiis Lafta-Gareen oo maanta ugu danbeyntii noqday madaxweynaha labaad maamulka Koonfur Galbeed.