Warbaahinta Caalamku Sidee Ayey Wax uga Qortay Ballaadhinta Marsadda Berbera?

0
486
Warbaahinta Caalamku Sidee Ayey Wax uga Qortay Ballaadhinta Marsadda Berbera?Qaar ka mid ah Warbaahinta caalamka ayaasi weyn wax ka qoray 24kii saacadood ee la soo dhaafaybilowgawejigii koowaad ee lagu ballaadhinayo marsadda Berbera oo shirkadda DP World ay maalgelisay.

 

Wakaallada Wararka Somalilandee SOLNA, ayaa warbixintan ka diyaarisay sidii saxaafadda adduunku uga faalootay casriyeynta dekedda Berbera oo qayb ka ah qorshaha shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ku casriyeynayso marsadaas oo loo diyaarinayo inay noqoto marin halbowle u ah Gobolka Geeska Afrika, warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

 

WargeyskaGulf Newsoo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee khaliijka carabta, ayaa daabacay qormo uu ciwaan uga dhigay”DP World oo bilowday dhismihii mashruuca dekedda Berbera.”Waxaanay sheegeen inShirkadda DP World ay bilowday dhismaha deked cabirkeedu yahay 400 oo mitir oo lagu ballaadhinayo dekedda Berbera, waxa kaloo ay intaas ku dareen in Dekeddaloo qalabaynayoinay noqoto marin ganacsiyeedka gobolka si ay ugu adeegto dalalka aan badda lahaynee Itoobiyaka mid tahay.

Gulf News wuxuu intaas ku darayin Guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Ahmad Bin Sulayemuu caddeeyeyin hamigoodu yahay inay fududeeyaan ganacsiga oo ay dalalka Afrika ka caawiyaan horumarka iyo dhaqaalaha, si ay galaangal ugu yeeshaan suuqyada caalamka.

Sultan Ahmad Bin Sulayemwuxuu xusay in Maalgashiga dekedda iyoAagga cashuuraha ka caagan ee ay ka binaynayaanBerberauu kobcinayo dhaqaalaha Somaliland iyo kuwa dalalka Gobolkaba,waxaanu tilmaamay inay ka soo baxayaan fursado shaqo.

Guddoomiyaha DP World wuxuuuga mahadceliyey xukuumadda Somaliland ooshirkadiisa kasbatay si ayiskaga kaashadaanhorumarinta mustaqbalka ummaddaSomaliland.

WargeyskaGulfnews wuxuu sheegay in shirkaddaShafa Al Nahda oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha wejiga hore ee mashruucadekedda Berbera ayhore u soo dhistay dekeddo ku yaalla dalalka Sinigaal iyo Mosambiig.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaasheegay inhanka Somalilandyahay sidii ay ugu adeegi lahaayeen dalka Itoobiya iyo waddamada kale ee Afrika ee aan badda lahayn, waxaanu madaxweynuhu balanqaaday inay Somaliland kaalinteeda ka qaadan doonto horusocodka dhaqaale iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika ka hanoqaaday.

Geesta kalena,waxa warka ballaadhinta dekedda si weyn Wakaalladda Wararka ee Reuters, Wakaallada Wararka Imaaraadka Carabta eeWAM,WargeyskaKhaleej Times, Warsidaha falanqeeya dekedaha iyo madaarrada eePort Technology Internationaliyo WargeyskaThe Nationaloo ka soo baxa Imaaraadka carabta, iyoSuadi Gazette,New Business ethiopia

Dowladda Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa sannadkii 2016kii kala saxeexday heshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera oo muddadiisu qaadan doonto 25 sannadood ooay ku bixi doonto$442 Milyan oo Doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here