Jaamac shabeel hal baa seegtay, Gollaha fullinta ee xisbiga Kulmiyana hal baa seegtay, Baarlamaanka hal baa seegtay, Madaxweynaha hal baa seegtay, Guuritadda iyo Annigaba hal namayseegin
- Jaamac shabeel halbaa seegtay, illeyn waa laga war-hayey xeerkan inay wax ku jiraane, waxay ahayd intii uu horyaalay madaxweynaha, xisbi ahaan inay tallo u gudbiyaan bay ahayd madaxweynahooda ka hor intii aanu saxeexin xeerka jinsiga, illeyn wey kuwada ceeboobeene, xisbi iyo xukumadba,
- Gollaha fullinta ee xisbiga Kulmiyana hal baa seegtay, waxa seegtay maadaama uu khaldamay inay xeerka anshaxa waafajiyaan, oo ay digniin iyo ganaax baa ka horeeya, ee innay ku degdegaan erigaas may ahayn, iyagana taasaa seegtay,
- Baarlamaanka hal baa seegtayoo, innay xeerka jinsiga aad u lafo-guraan baya ahayd, oo wixii shareecadada diinta islaamka ka hor imanaya ka saaraan baya ahayd, hal kaasaa seegay.
- Madaxweynaha hal baa seegtay, in uu iska hubiyo xeerkan jinsiga ayey ahayd, inta aanu saxeexin,oo isagana taasaa seegtay.
- Guuritadda hal may seegin, sababtoo ah, guurtidu way diiday in ay ansixiso xeerka sinjiga, illaa ay gollaha sharci dajintu ka saarayo qodobadii ka hor imanayey shareecadda diinta islaamka, markii baarlamaanku ansixiyeyna, dhawaaq dheer bay ka muujiyeen in xeerkaasi ay ku jiraan qodobo diinta islaamka ku lid ah, sidaa awgeed guurtida hal may seegin.
- Annigana hal imuu seegin, kol haddaan ka garnaqay, waxba imay seegin.
WQ: Mohamed Farah Qoti
Hargeisa Somaliland