Ciidamada Qaranka Somaliland waxa ay Maanta muujiyeen in ay awood u leeyihiin Hanti kasta oo Qarankan laga dhoco in ay XOOG ku soo Celin karaan..W/Q Calimahdi Jibriil

0
1287

Run ahaantii waa wax mudan in lagu Farxo oo Xukuumadda iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha ee qaabilsan amniga hoosena lagu Hambalyeeyo, in ay dib u soo celiyeen Gaadhigii Caafimaadka Degmada Xiis ee ay Hore u Xadeen, Qoladda Budhcadda ah ee CAARRE hor-joogaha u yahay.

Run ahaantii Markii hore waxa aan islahaa way mudanyihiin in loo garaabo cid kasta oo tabasho qabta, lkn markaan arkay nimankii lahaa waxbaanu tabanaynaa oo Gaadiid Caafimaadka ee Hooyooyinka UMULAHA ah
lagu qaadayay ay dhacayaan waxaa soo ifbaxday in ay yihiin Shufto iyo Budhcad dhaqaale doon ah,

Dowladda Somaliland oo uu kow ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa leh amaantaas, diidmada dowladdu diiday in ay wada hadal la gasho dad doonaya in ay khalkhal gelinayaan Amniga dalkan waxay muujisay Go’aan Adaygii lagu sheegi jiray Muuse Biixi waana in lagu bogaadiyaa.

Hawlgal labadii maalmood ee u danbeeyay ay wadeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da ayay ku soo qabteen Ambulance-kii XIIS, sidoo kale waxa ay Baacsadeen qoladii jabhadda isku sheegaysay oo wararku sheegayaan in Firxadkoodii dhinacaa iyo Maamulka Puntland Gudaha u Galeen,

Qoomkii aan u Mahadnaqin bini-aadanka wax u qabtaa, ILAAHAY-na uma mahadnaqaan, Bulshada Somaliland waa in ay u mahadcelisaa:-

1- Madaxweynaha qaranka H.E.muuse Biixi oo Go’aankiisa ku muujiyay in aanu Cidna waan waan kala galayn Dalkan oo ay tahay masuuliyadiisa,

2- Wasiirka Arimaha Gudaha Muj Maxamed kaahin oo runtii ka masuula amniga Gudaha kuna Guulaystay in Ciidamada sida tooska ah uga amarka qaata ee RRU-du gacanta ku soo dhigaan Hantidii la xaday,

3- Waxaa iyagana mudan in aynu dhahno Mahadsanidin Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi fadal iimaan iyo Taliyaha Waaxda RRU-da ee ciidamda Booliska Ina Axmed Tiir oo iyagu Hawlgalkaas lahaa,

GEBOGEBADII WAXAAN ODHANLAHAA DOWLADDA SOMALILAND CID KASTA OO AMNIGA IYO HORUMARKA DALKA KA SOO HOR JEESATA KA QAADA TALAABO QARAN, SHACABKA SOMALILAND-NA WAY IDINKU TAAGEERI DOONAANE.

W/Q Cali mahdi Jibriil

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here