Culimadda Somaliland Oo Khudbadii Salaada Jimce Kusoo Qaatey Xeerkii Kufsiga Madaxweynuhu Sexeexay Ee Lidka Ku Ahaa Diinta Islaamka,

0
611
Inta ugu baddan ee Culimaa.udiinka Somaliland Kuwooda Mudakarka ah iyo Culimada Gobolada Dalka ayaa, Maanta Mid Waliba Khudbadiisii Salaada Jimce Si gaar ah ugu soo Qaatey Xeerkii Kubsiga ee Dhawaan Madaxweynuhu Qalinka ku Duugey Kadib markii ay Duuduub isku soo dhaafiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladu), kaas oo ay Culimaddu ku Xarimeen Masaajid kasta oo Jamaca Salaada Jimce kulmiyey Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Somalilqnd
Culumaa,udiinka Somaliland oo dhamaantood Isku aragti ka joogsadey Xeerka Kubsiga ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi qalinka ku Duugey si loo meelmariyo, Waxa ay Nuxurka khudbada Salaada Jimce meel isugu keeneen in uu Gabi
ahaanba Xaaraan yahey islamarkaana,uu kasoo horjeedo Diinta Islaamka Xeerkani Gees kasta oo laga joogsado sidaa daraadeedna aanu laheyn Meel laga qaato iyo Dib u eegis lagu Sameeyo Midna.
Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey oo ku Magac dheer(Aadan-Siiro), oo isaga ay inta badan tahey joogto u tahey in uu Khudbada Salaada Jimce kusoo Qaato Talaabooyinka khaldan iyo Dhaliilaha Xukuumada ayaa isagu sigaar ah Madaxweynaha u fariimeeyay in uu Sameysto Lataliye Dhinaca Shuruucda Diinta Islaamka ah isagoo u Sababaynaya in uu baahi u qabo Maadaama Xeerkani u Dhuuntey.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo Kamid ag Culimada Khadiibka u ah Shacabka Somaliland dhinacyadda tasfiirka iyo Wacyiga,Axkaamta iyo Shareecadda ayaa isagu Waxa uu Khudbadiisa Salaada Jimce ku Sheegay, in Xeerkani yahey mid Fasaxaya Sinaddii Maadaama lagu Xusey in Labada Qof ee Labkii iyo Dhedigga ah ee iska raalida ahi aaney habayaraatee Wax Dambi ah laheyn.
Sheekh Maxamed Aadan Imaamka Masjidka Cali Mataan oo isaguna kusoo qaatey Khudbadii Salaada Jimce ayaa sigaar ah farta ugu fiiqey in Xeerkaasi Lidka ku ah Diinta Islaamku uu kasoo Gudbey oo ay soo ansixiyeen Baarlamaankii Somaliland oo loo baahnaa in ay Horjoogsadaan Maadaama ay Matelaan Dad islaam ah iyagga laf ahaantooduna Islaam yihiin sida uu u dhigey.
Waxa kale oo iyaguna soo qaatey Sheekh Almis,Sheekh Barbaraawi iyo Culimo kale oo baddan.
Sikasta oo ay tahey, Waxa Dad badani aaminsan yihiin in Xeerkan Kasoo horjeedda Diinta Islaamku uu Fashilaad Culus ku Noqdey Xukuumadda khusuusana Madaxweynaha oo aan iska naaqishin iyo Waliba Labada Aqal ee Golaha Baarlamaanka ee (Guurtida iyo Wakiilada), oo iyaggu duuduub kusoo ansixiyey marka laga reebo Xubno kooban oo katirsan Golaha Guurtida oo ay kamid yihiin Xildhibaan Dheeg, Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar iyo Xubno kale Laakiin uu Golaha Wakiilada bilaa dood kusoo dhaafey.
Gabagabadii Waxa uu Xeerkani Saamayb ku yeeshay, Marka laga yimaado Madaxweynaha Saxeexay Wasiirkiisa Diinta iyo Awqaafta oo ay Shaqadiisu khuseyso in Madaxweynaha ka naaqisho Xeerarka iyo Barnaamijyadda noocan ah ee kasoo horjeeda Diinta Islaamka Walow, aan Wali gunta looga dhaadhicin Waxa ay Xeerkan Meelmarintiisa ku badesheen Xukuumadda iyo Labada Aqal ee Baarlmaanka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here