Maxaa Sababa Shilalka Baabuurta’Maxaase Xal ah. Qormadii 6aad.

0
1063
 
Ugu horayn Waxaan soo dhawaynayaa Taarikooyinka Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaliland ay soo saartay’ Kuwaas oo gaadiidkii Isku mulaaqnaa(Isku Qasnaa) Kala duwday. astaamahooda (Summaddooda)amaze Haybtooda. Aynu ku Bilownee’Xakameyn la’aan’dib u soo kabasho.kufaa kicid.jahwareer.iyo xaalado kale oo dhamaantoodba Kaa yaabiya ayaa qofkii aan hore u arag ay ku noqonayaan hal xidhaalayaal cusub iyo amakaag ayaa ishaadu qabanaysaa’haddii aad ku cusubtahay Somaliland. Waxyaabaha layaabka leh ee dalka ka jira gaar ahaan magaalo madaxda Hargaysa’waxaa ka mid ah gaadiidka oo isugu jira noocyo kala duwan leh sida kuwo duqoobay(gaboobey)kuwo cusub’kuwo waaweyn’kuwo yar yar’iyo gaadiidka loo yaqaano Bajaajka. Intaas oo kaliye maahee’ wadooyinka magalada Hargaysa’Boorame’Berbera’laascanod’Burco iyo Jidadka Isku xidha Dalka Somaliland’ waxaad ku arkeysaa gaadiid kale ay ka mid yihiin Mootooyinka loo yaqaano dhug dhugleyda.Baaskiilada Gaari dameerada iyoGaari Gacmeedyo kuwaas oo dhamaantoodba u siman maritaanka wadooyinka magalada Caasimadda Hargaysa siiba wadooyinka ka baxsan Iyo kuwa faras magalada ah’Sida Jidka Wadnaha. Wadooyinkaas aan kor kusoo sheegnay ayaa ah inta badan kuwa ay mashquuliyeen gaadiid waaweyn oo sida badeecooyin culus sida Saliida cuntada oo fuustooyin ku jirta qalabka dhismaha sida Looxaan’Shibidh’Shamiito’biraha shubka iyo rinjiga loo adeegsado dhismaha guryaha sidoo kale gaadiid sida raashin kala duwan oo ka mid tahay Sokor’Daqiiq’ Bariis Baasto Iwm. Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo shuruucda wadooyinka Aqoonta looga baahan yahay wadayasha oo ah inta uu sharcigu ogol yahay xamuulku uu qaadi karo gaariga iyo ugu dambeys xiliga uu wadada ku socon karo. Darawalada Gaadiidka Magaalada Hargaysa iyo guud ahaanba Somaliland’ qaarkood ayaa wali u muuqda kuwa aan kusocon sharciga wadista gaadiidka xiliyada ay marayaan laamiyada Caasimada Hargaysa iyo Burco. Darawalada baabuurta noocyadooda kala duwan wata ayaa hadba dhinicii ay doonaan waxa ay maraan laamiyada , waxaana arkaysaa gaadiid maraya seed ama wado uusan laheyn. Nidaamkaan loo yaqaan Isdifaacidda waxa uu siyaadiyaa ammaanka wadada’Waana Waajib kusaaran Hadaad tahay Wade baabuur’Waxaana ka mid ah  •In aadan galin qataro aan loo baahneyn
•In aad masaafo amaan ah ka fogaato baabuurta/dadka kale
•In aad haysato aragti fiican
•In aadan degdegsaneyn, oo aad haysato waqti kugu filan
•In aad diyaar u tahay in waxyaabo degdeg ah dhici karaan
•In aad xaalada qiimeyso inta aadan ficil sameyn
•In aad ka fikirto waxyaabaha dhici kara
•In aad u socoto si degan oo bareega waqti hore aad qabato adiga oon ku soo boodin. lasoco.
Qormadii. 7aad. Inshallaaah.
Mohamed Haji Essa (Maygaag)
EX:Bixinta Liisamada Baabuurta Iyo Taarikaynta Gaaadiidka J.S.L.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here