Akhri:- Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hadal Tawaaw Ah La Waddaagay Waftiga Cabdiwali Gaas Ee Badhan Iyo Waxaa Ay Is-Yidhaadeen

0
752

Wasiirka Difaaca Somaliland Saleebaan Ciise Xawar ayaa markii uu yimid Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag Madaxwaynaha Putland Cabdiwali Gaas waxaa uu khadka telefoonka kula xidhiidhay adeerkii Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan waxaanu wasiirku kala hadlay dareenka aan buurnayn ee Somaliland ka qaaday socdaalka Gaas, wasiirka ayaa sidda warar hoose Hangoolnews u xaqiijiyeen u sheegay waftiga iyo adeerkii Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Warsangali in talaabada Gaas saamayn ku yeelaynayso Kursigiisa Wasiirka difaaca Somaliland waxaana wararku sheegayaan in lagu qanciyay in wax xumaanayaa aanay jirin arrimo badana laysla ogaa,

Talaabadan gaas ee soo galida gudaha Somaliland ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Madaxwayne         ka socda maamul-goboleedka Putland uu ku soo xad-gudbo Ciidda somaliland

Wasiirkan ayaa waxaa ay waftiga Gaas iyo Suldaankaba ka wadda hadleen arrimo deegaaneed waxaana markii la magacaabayay Madaxwayne Biixi hor geeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo Adeer ina, adeer u ah Wasiirka Difaaca Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here