Dawlada Jabouti Maxay Ka Yeelaysa Saamigii Shirkada Dp-World Ku Lahayd Dekeda Daaroole

0
565
Dawlada Djibouti ayaa guud ahaanba la wareegtay maamulka dekeda Daaroole oo ay saami ku wada maamulayeen shirkada DP World.Dawlada Djibouti ayaa saami dhan 66.66% dekeda Daaroole halka ay shirkada DP World lahayd saami 33.33%, iyada dekedaasna ay ilaa sanadkii 2006 si wadda jir ah u maamulaayeen DP World iyo shirkada maamulka dekedaha u qaabilsan wadanka Djibouti, balse dawlada ayaa hada sheegtay inay la wareegtay guud ahaanba maamulkii dekeda Daarole.Sida uu qoray wargeyska Financial Times, dawlada Djibouti ayaa meesha ka saartay saamigii ay shirkada DP World ku lahayd dekeda Daaroole ka dib mudo uu khilaaf u dhaxeeyey.

Sida uu baahiyey wargeyska Financial Times dawlada Djibouti ayaa bishii February ee sanadkan la wareegtay guud ahaanba maamulka dekeda Daarooleh ka dib markii ay eriday shirkada DP World ka dib markii ay shirkadaasi maal gashatay dekedo kale oo ku yaala gobolka Geeska Afrika oo ay ku jirto dekeda magaalada Berbera.

 

Warka ka soo baxay dawlada Djibouti ayaa lagu yidhi ” Dekeda Daaroole waxay ku shaqaynaysay heshiiskii saamilayda ee ay wada galeen shirkada DP World iyo dawlada Djibouti”

Warka ka soo baxay dawlada Djibouti ayaa intaas sii raaciyey Isbadalka ku yimid qaab dhismeedka lahaanshaha dekeda Daaroole macnahiisu waxa weeyaan inuu dhamaaday wada tashigii lagala yeelan jiray shirkada DP World, waana la baabiiyey xuquuqdii ay u lahayd maamulka dekeda, waxaana si toos ah u maamulaysa dawlada Djibouti”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here