Maxaa Sababa Shilalka Gaadiidka Qormadii 4aad.

0
1244

Aan ku yara horaynee’ Qiyaasta shilalka ka dhacay aduunka ayaa dalka Saudi Arabia waxaa lagu sheeggay in shilalka ka dhaca wadooyinka 25.9 boqokiiba shan iyo labaatan u dhintaan tirada guud ee ah 100,000.Qiyaastan maaha mid aad u siixun marka loo eego dalka Iran oo qiyaastii 44 Percent boqolkiiba afar iyo afartan u dhintaan marka laga qiyaas qaato 100,000.
Dalka maraykanka ayaa isna qiyaas dhan 19 percent u dhintaan marka laga qiyaas qaato 100,000. Wadanka Saudi Arabia ayaa shan sano gudahood waxaa 75 Percent boqolkiiba shan iyo toddobaad sare u kacay dhimashada shilalka gaadiidku sababaan, dhaqaalaha ku baxa shilalka gaadiidka ayaa saddex jeer ka badan kharashaadka ku baxa waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka Saudi Arabia.

Shilalka Baabuurta ee wadankeena ka dhaca marka isku celcelis guud lagu sameeyo sanadkiiba waxaa ku nafwaaya tiro aad ubadan oo shacabkeena qaybihiisa kala duwana, Mushkiladaha ugu waweyn ee sababana waxa kamida:

1) Aqoon la’aan xaga gaadhi kaxaynta ah ee haysata direewaladeena baabuurta.

2) Wado xumo, wadooyinkena qaybo kamida oo burbursan sida awgeedna marka laba gaadhi iskaso horbaxaan HOG dalooshaana kaso hor baxdo ayay labada baabuur is galaan iyadoo midkastaa ka cararayo inuu godka taayirka kula dhaco kadibna qalibmo.

3) Control la’aan xaga Dawlada ah, dawlada oo aan wax sharci ah udejin speedka ama xawaaraha gaadhiga lagu kaxayn karo inta uu safarka kujiro.
4) Iyadoo baabuurta la saaro miisaan ka tiro badan miisaankii saxda ahaa ee loogu talo galay, taasina ay keento dheeli tirnaan la’aan kutimaada Baabuurta isla markaana sababta in baabuurku qalibmo.

Hadaba qodobadaa aan soo sheegay waa mushkilada ugu wayn ee sababta shilalka baabuurta Dalkena, si taa looga hortago dawladu waa inay fuliso qodobadan soo socda:

1) inay soo saarto speed goan oo baabuurta lagu kaxayn karo inta ay safarka dheer ku guda jiraan.
2) Inay samayso dawladu laba lisence:
a) Mid magaalada dhexdeeda ah oo keliya qofku gaadhiga kuwadan karo shuruucda wadooyinkana sifiican loo baro.
b) Licencega labaadna loo sameeyo oo keliya qofka kaxeeya gawaadhida safarka ubaxda, qodobkaa labada lisence wuxuu hoos udhigayaa in qofkii Hal Asbuuc gaadhiga kubartay aan loo ogolaan inuu Safar dheer ubaxo.

3) Qodobka ugu muhiimsan ee shilalka lagu yarayn karaa waxa weeye iyadoo 50km marka gaadhigu socdoba STEP gaara loo sameeyo oo la eego xiliguu steptii hore soo dhaafay, gaadhi kastaana markuu step dhaafoba waxa loo jarayaa warqad sheegaysa xiliga uu dhaafay STEPta, si stepta soo socotaa u check garayso warqada STEPta hore loogasoo jaray iyadoo halkaa lagasoo saarayo gaadhigu speedka uu ku soconayey.

SPEEDkii loogu talo galayna hal second haduu kasoo hormaro Ganaax adag laga qaado Digniin adagna  lagu siiyo wixii maalintaa ka dambeeya haduu sharciga khilaafo in Licencega lagala noqon doono.

4) In baabuurta safarka dheer ubaxaysa aan la saarin miisaan ka culus miisaanka saxda ahee loogu talo galay.
Qodobadaa hadii la raaco fekerka iyo lexejaclada wadankana laga sinnaado waxbadan ayaa hagaagaya mustaqbalka isha allah.

Mohamed Haji Essa Maygaag
EX:Bixinta Liisamadda Wadista&Taarkaynta
J.S.Land.(Frankfoart ).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here