Idaacadii Weynayd Ee Radio Hargeysa Oo Markii Labaad Fadhiisatay Muddadii Uu Xilka Hayay Wasiir Guri-Barwaaqo

0
1008

Idaacadii weynayd ee Radio Hargeisa ayaa Hawada ka baxday Cilad Farsamo oo ku timid darteed Idaacada Radio Hargeisa Gaar-Ahaan Mawjada Dhexe ee laga dhagaysto Dhamaan Gobolada Dalka Iyo Dalalka kale ee Geeska Africa ayaa Todobaadyadii u danbeeyay Hawada ka maqnayd.

Majwada Dhexe ee Idaacada Radio Hargeisa oo dhagaystaal badani ku Xidhnayeen ayaan ila hada dhinacna lo-saarin Ciladan ku timi ee Hawada ka saartay`Waxaana si isdaba jog ah uso dhacaya Fariimaha kaga imanaya Hawladeenada idaacada Radio Hargeisa Dhagaystaashii ku Xidhna Mawjada dhexe ee Radio hargeisa`Gaar-Ahaan Ciidamada Qaranka Somaliland eek u Sugan Jiidaha hore ee Difaaca Qaranka.

Wararku waxay inta ku darayaan in aanay ahayn markii u horaysay ee idaacada Radio Hargeisa Hawada ka baxdo mawjadaheeda kala Duwani`Maalmii Ciida Carafo lagu jiray waxa Fadhiisatay oo Hawada ka baxday Idaacada Radio Hargeisa Majadeeda FMT ah`Bilo ka horna waxa Fadhiistay Isla Iadaacadan wayn ee Mawjada dhexe oo Hawada ka maqanayd mudo shan iyo Afartan Cisho ah Wakhtigaas oo uu Socday Dagaalkii Tukaraq ee Ciidmada Qaranka Somaliland iyo Maamul-Goboleedka Putland u dhaxeeyay.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaan wax Masuuliyad ah iska Saarin inay ka Hawl-galaan Ciladahan so noqnoqday ee Ragaadiyay Idaacada Radio Hargeisa siday shegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo kaso Baxaya Wasaaradda Warfaafinta.

Idaacada wayn ee Radio Hargeisa ayaa Dawladii hore ee Madaxweyne Siilanyo ka so iibisay Dalka China waxaana rakibay War-laliyaha Idaacada Ingineero u dhashay Dalka China`isla-Injineerada China ah ayaa Dalka China loga doona Markasta oo cilad Farsamo ku timaado Idaacada Radio Hargeisa Majadeeda Dhexe`Farsamayqaanada Idaacadaha ee Radio Hareisa ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta kula taliyay in Xubno ka mida Shaqaalaha Farsmada ee Wasaaradda Warfaafinta Shirkada China ah ee Idaacada laga so iibiyay uso tababarto si loga baxo in markasto cilad Farsamo Idaacada ku timaado in Dalka Shiinaha lo-doono Farsamayqaano Hagaajiya`Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta mr Guri-Barwaaqo aya arinkaas Farsamayaqaanada idaacadu uso jediyeen ku dhuftay Ganafka`sida waxa ku dooday Xubno ka mida Dadka u dhuun-daloolo Wararka wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta mr Guri-Barwaaqo ayaa wararku shegayaan in aanu wax talaabo ah oo lagu Horumarinaayo Wasaaradda Warfaafinta qadin`mudadii u jogay Wasaradda Warfaafinta`Wararku waxay shegayaan in Wasiir Guri-barwaaqo Madaxtooyada Dalka loga taliya ku qanci-wayday Wax-qabad Gacan-ku rimisa oo uu u gudbiyay Madaxtooyada wakhtiyo kala Duwan`sido kale Hab-Maamulka Wasaaradda Wafaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta aya kala Daadsanaan badani ka jirta ka dib markii Mafatiixdii Maamulka ee Wasaaradda Gabi-Ahaanba uu la dhoofay Agaasimihii Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Warfaafintu oo aan ila hada si dhab lo-ogayn meel uu jaan iyo Cidhib dhigay.

Wararku waxay inta ku darayaan in Waxqabadka Wasaaradda Warfaafintu ka dhex-muuqan Buugi wax-qabadka Sadex biloodla ahaa ee hore ka dib markii Wasiirka iyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradaasi kari-wayeen in ay so bandhigaan Waxqabad Muuqda`Waxanay Taasi Sababtay in Madaxtooyada Somaliland Barnamijyadaii Wax-Qabadka Xukuumada ee Sadex-biloodka ahaa ee hore Wasaaradda Warfaafintu u diyaarin jirtay`ay u dhiibto isla-markaana diyariyaan Hay`ado Madaxbaanani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here