Amb Bashe Awil Haji Omar WAR-SAXAAFADEED: 01/09/2018 Tan iyo intii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu-taaga 18kii may 1991kii, Somaliland waxay raadinaysay inay yeealato saaxiibo dhaw oo shisheeye

0
997

WAR-SAXAAFADEED: 01/09/2018
Tan iyo intii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu-taaga 18kii may 1991kii, Somaliland waxay raadinaysay inay yeealato saaxiibo dhaw oo shisheeye, si taa loo xaqiijiyo Xukuumaddii hore ee JSL waxay dedaal iyo tacab badan galisay inay sammayso isu soo dhawaansho ka dhaxeeya Somaliland iyo dalalka carabta ah, taasina waxay dhalisay in taariikhdu markay ahayd June 30, 2015kii digreeto Madaxweyne lagu sammeeyay xafiiskii Somaliland ku yeelanaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan fursad u yeeshay in aan noqdo wakiilkii Somaliland u fadhiyay waddanka imaaraadka carabta.
Markaynu raad raac ku sammayno tagtadii shalay markii xafiiskaa la sammeeyay ka hor muu jirin xidhiidh ganacsi, mid siyaasadeed, iyo mid sama fal oo ka dhaxeeyay Somaliland iyo imaaraadka carabta, sidoo kale may jirin mashaariico waaweyn iyo addeegyo sama-fal ah marka laga reebo mashaariic teel teel ahaa oo hay’addaha qaar ka keeni jireen dalkaasi, hasayeeshee markii xafiiskaa la sammeeyay waxaanu ku bilawnay in aanu dar-dar geliyo xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo imaaraadka carabta.
Sida sunnaha nolosha ah mudanayaal iyo marwooyin waxaa jiray caqabado badan oo naga hor imanayay xafiis ahaan oo ay ka mid tahay:-
• Arrimaha siyaasiga ah oo ay aaminsanaayeen dalka imaaraadka carabta iyo dawladdaha kale ee carbeed oo ahayd Somaliland inay u arkaan inay tahay maamul-goboleed ka mid ah Somalia, sidaas darteed aanay suurto gal ahayn in maalgashi toos ah lala sammayn karo Somaliland.
Si caqabadahaa looga gudbo xafiiskaygu wuxuu dadaal badan iyo degaal adag ka galay sidii loogu qancin lahaa dalkan imaaraadka in Somaliland tahay dal madax-bannaan oo ka duwan Somalia, xaqna u leh aayo ka tashiga masiirkooda iyaga oo aan hoos daba fadhin dawladda Somalia, taasina waxay sababtay markii dambe in xidhiidhkii labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu uu ka soo dhawaaday sidii hore, keenayna in mashaariic dhaxal gal ah hadday noqoto xaga maalgashiga, xaga siyaasiga ah, iyo xaga sammo falka ah intu ba ka hirgaal dalkeena Somaliland.
Tusaale Ahaan.

DHINACA SAMOFALKA
Mashaariicdii sammo falka ahaa ee dawladda imaaraadka carabtu ka hirgelisay Somaliland saddexdii sanno ee u dambeeyay waxay inna bareen inay yihiin ma hakradayaal aan habsan iyo hakis gelin u gurmadka Aadannimada.

GURMADKII MASIIBOOYINKA ABAARAHA IYO DUUFAANTA.
Xaaladaha abaarta baahsan ee dad iyo duunya ba saameysay saddexdii sanno ee u dambeeyay waa imtixaano la mariyay bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan, Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka darreen celiya inay walaalahooda Somaliland ka caawiyaan hadba wixii baahi ka jiray deeganaada ay masiibooyinka abaaraha iyo duufaantu ku habsadeen. Sidoo kale xafiisku wuxuu uruuriyay qaadhaan lacageed oo gaadhaya 130,000 oo dollar ay ku deeqeen dad samo-falayaal ahi si wax looga qabto daacuunkii ka dilaacay gobolka togdheer magaaladiisa burco, waxaanu xafiisku lacagtaa ku warreejiyay xukuumadda.
Hay’adda khaliifa Foundation oo ka wakiila dawladda imaaraadka carabtu, waxay dalka keentay afartii sanno ee u dambaysay caawimo ka kooban raashinka noocyadiisa kala duwan , kuwaas oo loogu talo galay in lagu taageero dadka ay abaartu saameysay
Sidoo kale Gurmadkii degdega ahaa ee imaaraadku kaga soo jawaab celiyeen 48saac gudahood ee ahaa in dhulkii go’doonsanaa ee duufaantu ku dhufatay ay u soo diraan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamadoodii gurmadka , taas oo Eebe ka sokow sabab u ahayd badbaadinta nafo badan oo bixi lahaa.

CAAFIMAADKA
Wefdi koox Dhakhaatiir ah oo uu hoggaaminayay Dr. Sayid Al-Shaamiri oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta(UAE) ayaa soo gaadhay dalka Somaliland xilli ku taariikhsay April 26, 2017. Ujeedada safarkoodu wuxuu ahaa in ay kaalmo caafimaad u sammeeyaan bulshada Somaliland muddo lix cisho ah. kooxdan dhakhaatiirta ahi waxay bulshada ugu shaqaynayeen xarunta kubadda Cagta ee Hargaysa Stadium, waxa la diwaan geliyay loona sammeeyay addeeg caafimaad oo lacag la’aan ah tiro ka badan 5000 oo qof, kooxdan dhakhaatiirta ahi waxay wateen shaybaadkoodii iyo dawooyinkii. Sidoo kale dawladda imaaraadku waxay dhakhtarka weyn ee Hargeisa ku caawisay qalabkii lagu sifaynayay kalyaha taas oo kaalin wayn ka ciyaaraysa habsami u socodka caafimaad ee dhakhtarka.

BIYAHA
• Mashruuca biyo xidheenka xumbo-weyne ee ay maaligalishay dawladda Imaaraadka Carabtu wuxuu noqday biyo xidheenkii ugu weynaa ee Somaliland yeelato, isaga oo awood u leh in uu kaydiyo biyo xadigoodu leegyahay 500,000 Metric Cubic. Sidoo Kale Ceelal dawladda Imaaraadku ka qodeen Gobolada dalka oo tiro ahaan gaadhaya 40 Ceel kuwaas oo wax tar badan u yeeshay dadkii abaaruhu saameeyaan.
Waxaanay ka mid ahaayeen guulihii xafiisku xaqiijiyay intii uu jiray.

DHINACA MAALGASHIGA
Xafiiskaygu wuxuu xooga saaray sidii adduun weynaha loogu bandhigi lahaa fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland, dhinaca beeraha, warshadaha, khayraadka iyo dekedaha,
Innaga oo aan ilawsanayn caqabadihii Somaliland haystay ee ay ka mid ahayd in aan la ictiraaf sanayn , oo adagtahay in maalgashi shisheeye lagu aamino somaliland, haddana waxaanu muddadaa saddexda sanno ahayd xafiiskaygu hirgeliyay in dawladii Somaliland ay heshiis maalgelin ah la gashay Shirkadda Dp World oo metelaysa dalka imaaraadka carabta.
Wuxuu na noqday maalgashigii ugu ballaadhnaa abid ee intii Somaliland ay jirtay iyo ka hor intii dawladii somaaliyeed jirtay ba ee la geliyo Somaliland, uga na imaada waddan carbeed, taasina ay ka mid tahay waxqabadkii xafiiska.
Waxaa xusid mudan in wakhtigii heshiiskaa ay kala saxeexanayeen Somaliland iyo shirkadda Dp World oo metelaysay dalka imaaraadka carabtu uu ahaa mid sifo laba dawladood ah ama waxa afka qalaad loogu yeedho (Government To Government) loo kala saxeexday, isaga oo heshiiskaasi ka koobnaa laba qaybood.
1. Qayb guud oo ahayd waxyaabaha la iska kaashanayo oo ay ka mid tahay in Somaliland laga caawiyo dhisida waddooyinka, leydhka, iyo dekeddaha.
2. Qaybta kale na ayad Maalgashiga gaarka ah ee dekedda berbera.
Sidoo kale waxaa heshiiskaa qayb ka ahaa waxa loo yaqaano suuqa xorta ah (Free Zone ka)
Heshiisyadaa maalgashi ee Somaliland la gashay shirkadda Dp World wuxuu ka furfuray dabinkii iyo xadhkihii muddada badnaa haystay ee ahaa in Somaliland ay tahay dal aan ka madax banaaney somalia, sidaas darteedna ay adagtahay in maalgashiyo shisheeye ( Foreign Investment) waxa afka qalaad lagu yidhaahdo in somaliland si toos ah loola galo.
Sidoo kale heshiisyadani waxay gundhig u noqdeen inay Somaliland la geli karto heshiisyo fool ka fool ah shirkaddo shisheeye, taasina sababtay in shirkaddo badan oo imaaraadka carabta ah hadday noqoto bangiyo, shirkaddo ka shaqeeya dalxiiska, iyo hotelo ay xiisaynayaan imaanshaha Somaliland, wada hadal na kula jiraan dawladda Somaliland, sidii ay maalgashi ugu sammayn lahaayeen Somaliland.

Taariikhdu markay ahayd 9kii bishii april, 2018 jamhuuriyadda Somaliland waxay si rasmi ah uga qayb gashay shir lagaga hadlayay arrimaha maalgashiga oo lagu magaaco “ Annual Investment Meenting” oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta magaaladiisa dubai.
Innaga oo calankeenii sidana codkeeniina ku hadlayna fursad weyn ayay somaliland u ahayd inay ka mid noqoto martida sannadkan lagu casuumay oo ka badnayd 140 dal.
Dhanka kale xafiiskaygu wuxuu suurto geliyay in shirkadihii ugu waaweynaa ee duulimaadyada sida Fly Dubai, Iyo Air Arabia ay duulimaadyo ka bilaabaan Somaliland, halka shirkadda Fly dubai todobaadka oo dhan si maalin leh u sammayso duulimaadkeeda, Air Arabina ay todobaadii laba cisho ka sammayso duulimaad Somaliland. Arrinkaasina wuxuu dhiirigeliyay in shirkaddihii ajaanibka ahaa ay imaadaan dalkii, maadaama shirkaddo caalami ahi ka hawl galaan Somaliland

DHANKA SIYAASADA
Xafiiskaygu wuxuu shaqo badan geliyay sidii wacyiga sidaasadeed ee Somaliland iyo imaaraadku u noqon lahaa mid isla jaanqaada.
Waxaynu la wada soconaa tira ba in ka badan shan jeer oo wufuud madaxweyne oo ka socotay Somaliland soo gaadheen dalka imaaraadka carabta sida madaxweynihii hore ee Somaliland iyo madaxweynaha haatan xilka haya, kuwaas oo kulamo la qaatay madaxdii u sarraysay dalka imaaraadka carabta sida wasiirka madaxtooyada Sheikh Mansur Zayed Bin Al Nahiyan, dhaxal sugaha boqortooyada imaraadka Mohamed Zayid Bin Al Nahiyan, kulamadaasina suurto galiyeen maanta in dawladda imaaraadka carabtu si wacan uga dharag san tahay geedi socodka Somaliland.
Guulaha xafiisku xaqiijiyay muddadii saddexda sanno ahayd ee aan hoggaaminayay waxaa ka mid ahayd
• Dawladdii Imaaraadka oo aqbashay in passaborkii Somaliland in lagu soo galo dalkeeda
Qorshishii farsamo ee lagu xaqiijin lahaa arrintaasina waxa gacanta ku haya xukuumada imaaraadka carabta iyo Somaliland, taasi oo noqotay guul siyaasi ah oo Somaliland ay ka soo hoysay dalka imaaraadka carabta.
• Sharciyaynta xafiiskii Somaliland ay kulahayd dalka Imaaraadka Carabta
hore umay jirin Somaliland xafiis sharciyaysan oo adduun weynaha ay ku lahayd,
waa xafiiskii ugu horreeyay ee laga sammeeyo dal carbeed oo si sharciyaysana uga ka hawl gala lagana dhigay xafiis sita (Government liaison Office) oo matalayana dawladda Somaliland.
• Xukuumada Somaliland oo sammaysatay shirkad ay leedahay 100% oo laga diwaan geliyay suuqa ganacsiga ee xorta ah ee loo yaqaano (Dubai International Financial Centre) Shirkadaasi oo ah ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay una sahlaysa in Somaliland la macaamisho caalamka hadday noqoto shirkadaha ay heshiisyo la galayso, iyo waddamada kale ee ay la macaamilayso.
In shirkad caalami ah oo dalku leeyahay aanu sammayno waa guulihii xafiiskan taariikhda ugalay.
• Systemkii Imaaraadka oo gebi ahaanba lagu wado isbedel ah in lagu soo daro dal ahaan Somaliland
Xafiisyadii dawliga ahaa ee dalka imaaraadka oo gebi ahaanba lagu wado isbeddel hadday noqoto wasaaradda Arrimaha Dibeda, Ganacsiga, Gudaha, Iyo kuwo kaloo badan.
• Jamhuuriyada Somaliland oo ka gashay Kaalinta Afraad, markay noqoto dawladda imaaradka carabtu waddamada maalgashiga dibedda ah ee ugu badan kuway ku sammeeyeen, war-bixintaas oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka imaaraadka carabtu Somaliland waxay u tahay dhiirigelin iyo fursad ay kaalmo hore kusii hiigsan karto.

ADDEEGA XAFIISKU U QABTO JAALIYADA IYO AJAANIBKA.
Addeegyada xafiisku u qabto jaaliyada reer Somaliland ee degen waddankan imaaraadka carabta waxaa ka mid ah
• Diwaan gelinta muwaadiniinta degen imaaraadka oo aanu sammaynay, si loogu soo sammeeyo Somaliland ID-Card kii, macluumaadkoodiina waxxaanu u soo gudbinay hay’addihii dalka ee ay khusaysay shaqadaasi, mustaqbalka dhaw na waxaa qorshaha noogu jirtay in xafiisku u sammeeyo ID-Cardkaa Dhalashada.
Addeegyada xafiisku u qabto dadka shisheeyaha ah waxaa ka mid ah:-
• Bixinta Visaha dal ku galka ah
• In Xafiisku kala shaqeeyo maalgashadaasha dalka wixii caqabad so waajaha sidii loo xalin lahaa, xafiisku na wuxuu kaalin muhiim ka ciyaaraa adkaynta xidhiidhka shisheeye ee ka dhaxeeya maalgashadaasha iyo Somaliland.
• In xafiisku dar-dar geliyo in caalamka la gaadhsiiyo Somaliland, oo ay kaw ka ahayd wefti suxuufiyiin caalami ahi oo dalka gaadhay, si ay uga xog warramaan koboca dhaqan dhaqaale ee Somaliland ku talaabsatay, taas oo wax weyn ka taraysay ogaanshaha caalamka in Somaliland ay ka hanaqaaday dimuqraadiyad, iyo dedaal ay ugu jirto isku filnaanshiyo.

GUUD MAR
Mudanayaal Iyo Marwooyin arrimahan iyo kuwii hore ee aynu soo sheegnay waxay ahaayeen barnaamijkii safaaradda Somaliland ay ku leedahay imaaraadka carabtu hirgeliyay muddadii saddexda sanno ahayd ee ay jirtay, waxaana xusid mudan in maanta safiirka cusubi la warreegayo xafiis safaaradeed oo sharciyaysan, xidhiish siyaasi oo aad odhan karto wuxuu marayaa meel mustawihii ugu sarreeyay ah ee laba dal wada yeeshaan, iyo mid ganacsi oo hanaaqaday shirkadihiina maanta dalkii ka shaqaynayaan, intaasiba waxay nasiib u siinayaan safiirka cusub in uu hanto ama gurto barnaamij miro dhalay oo saddex sanno iyo in ka badan ba soo socday, maanta na sii wadeeda uu nasiib u yeeshay, waxaanu u rajaynaynaa in safiirka cusub illaahay xilkaa ku asturo, dulqaadkeeda iyo karteeda na uu Insha-Allah yeesho, xilku dhaliil togan iyo mid taban ba uu leeyahee in aad ku baraarugsanaanto safiir wixii deelqaad, iyo aflagaado ahna in aad samir kaga darreen celiso, waayo dadku ma ah dad wada arka wanaaga, waad odhan kartaa dadka badankoodu waa soo dhaweynayaan waxa wanaagsan iyo wixii la qabtay oo indhaha caafimaadka qabaa way arkaayn, hasayeeshee way jiri doonaan qaar iyagu waxaa wanaagee la qabanayo aanay u muuqan oo marwalba wax maagaya ama xaga xun wax ka eegaya, waxaanu leenahay kuwaasna InshaAllah illaahay indhahaa caafimaadka ha siiyo, Shacabka reer somaliland na waxaanu leenahay horumarkaa iyo wanaagaa aynu maanta dhabadeedii qaadnay ha innoo sii siyaadhso.
Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu fursadaa kale ee aan wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya isiiyay, sidaan hore u sheegayna waxaan rajaynayaa InshaAllah oo aan leeyahay sidii safaaran aan ugu shaqeeyay iyo wixii itaalkayga ah aan gelin doono sidii Somaliland horumarkaa iyo wanaagaa loo sii ballaadhin lahaa saaxiibadeeda na u sii badin lahayn.
Dalka imaaraadka na waxaan uga mahadcelinayaa wanaagaa iyo waxtarkaa ay innala garab joogeen muddadaa aanu la shaqaynaynay, anoo umahad celiya madaxda dalkan, oo uu ugu horreeyo Sheikh khalifa Binu Zayid Al nahiyaan oo ah Madaxweynaha dalkan, iyo raysal wasaaraha Sheikh Mohamed Bin Rashid Al Makhtuum, iyo dhaxal sugaha Sheikh Mohamed Bin Zayid Al Nahiyan, Wasiirka Madaxtooyada Sheikh Manzur Zayid Bin Al Nahiyaan Iyo Madaxda kale ee dalka imaaraadka oo dhammaantood mar walba u ahaa saaxiib dalka JSL dadkeeda iyo dawladeeda ba, mar wal oo dhibaato ku timaadana garab taagan.
Sidoo kale waxaan u mahadnaqyaaa jaaliyada iyo bulsho waynta kale ee ka soo qayb gashay oo ahaa dadkii muddada badan nala shaqayn nayay hadday noqoto ganacsato, muwaadiniinta reer Somaliland ee kale ee halkan ka shaqeeya, hadday noqoto ardayda jaamacadaha dalkan wax ka barta ee dhammaantood iskaayo barbar istaagay muddadaas aan xafiiska joogay oo marwalba dhiirigelin, taageero, iyo garab ba naga siinayay hawlaha culus ee safaarani u xilsaarnayd, waxaanan hubaa in aad safiirka cusub na sidaa ula shaqaysaan oo aad soo dhawaynaysaan Insha-Allah.
Aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here