Theresa May Oo Nairobi Ka Sheegtay In Soomaaliya Siinayaan £92 Milyan

0
868

theresa May, ra’isul wasaaraha Ingiriiska oo maanta booqasho ku timid dalka Kenya ayaa halkaasi ka sheegtay lacago ay UK  siin-doonto Soomaaliya.

May waxaa ay Soomaaliya horay ugu soo qaaddey  £7 million($9.1 million) oo lagu maal-gelinayo howl-galka AMISOM, waxaa wehliya £60 million oo wax looga qaban-doono arrimaha banii’aadnimada iyo £25 million oo ah taageero toos ah oo la siin-doonno dowladda federalka ah.

May,  waxaa ay booqatay xarun ay ku jiraan ciidamada UK oo ku taallo Nairobi, ciidamadan oo tababar siiya kuwa Soomaaliya sida loo furfuro qarxa.

Kenytta oo hlkaasika Hadley waxaa uu yiri “Waxaan wadaagnaa dimoqoraadiyad, waxaan u baahannahay in aan difaacanno, cadawgeenna sida argigixisada waa in aan si wadajir ah ula dagaalno”

Theresa May, oo  iyadana hadashay waxaa ay sheegtay in Kenyatta uu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta laga saaro Soomaaliya oo ciidamada Soomaalida amiga la wareegaan, arrintaasna uu sidoo kale Ingiriiska rabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here