Calank Dalka Somaliland ayaa laga taagay qasriga madaxtooyada boqortooyada dalka Sacuudiga ee magaalada Riyadh, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah taleefishinada dalka Sacuudiga.
Calanka Somaliland ayaa kasoo muuqday xaflad uu boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdul Casiis u sameeyey qaar ka mid ah madaxdkii ka qeyb-gashay xajka sanadkan, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdriaxmaan Saylici iyo Wasirka Xidhiidhka Goolayasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Adan
Ka sokow calanka laga taagay qasriga, weriyaha taleefishinka Sacuudiga ee warka akhrinaya ayaa Saylici ugu yeeraya “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland”, taasi oo dad badan oo Cadoowga Somaliland ka naxen qarna ka yabisay.
Lama oga sababta Sacuudiga sidaan u sameeyeen, hase yeeshee xiriirka xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Imaaraadka uu ka mid ah yahay iyo dowladda Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii dowladdu diiday inay taageerto xulafada ayada oo dhex-dhexaad ka noqotay khilaafka kala dhaxeeya Qatar Halka Somaliland ka badheedhay lana safatay Xulafada Sacuudiga iyo Imaaratku Hoogaminayan.