Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmaayo Kalfadhiga Xildhibaanada

0
501

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu furmaayo Kalfadhiga Baarlamaanka Somaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay , in looga baahan yahay ugu dambeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan inay dalka ku soo laabtaan kuwooda maqan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalfadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka, sidaasi daraadeed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018, diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku maqnaa fasax dhan saddex bilood, balse hadda uu dhamaaday fasaxaasi.

Intiii Xildhibaanada ay ku maqnaayeen fasaxa ayaa waxaa dalka ka dhacay isbedelo kala duwan, gaar ahaan xubnaha Golaha Wasiirada oo isbedelo kala duwan lagu sameeyay qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here