Ururka Saxaafaddu Xataa Lama Yaqaan, Wuxu Saxaafadda U Qabto Aakhirkana Waxay Ku Wadaan In Ay Noqoto Mid Qabyaaladaysan”Cali Guray.

0
623

Saxaafadda Waa waxan uga shaacay beryahan oo waxa badan inta shaashaysan ee iyagu sida ay jecel yihiin waxay jecel yihiin u sheega ama run ha ahaato eh ama been eh. Ururka saxaafaddu xataa lama yaqaan wuxu saxaafadda u qabto aakhirkana waxay ku wadaan in xataa saaxaafaddu ay noqoto mid qabyaaladaysan. Saxaafadda go’aanka maxakamadeed ku sheegtay go’aan xukuumadeed waa laba mid uun waxa ku kelifay. Kow jahli iyo aqoon darro oo waa ka bes laba qabyaalad ama taaga mucaaridad oo tasina ka sii xun oo waxay ku xadgudbeen maxkamad sharci ah iyo go’aan cadaalad ah hadii ay sidaa aaminsan yihiin. Hadiise ay markii horeba taageersanaayeen go’aankii hore ee lagu xayiray wargeyska HAATUF taasi waa wax kale hadalkana si kale ayay u dhigi lahaayeen laakiin ma filayo manay jirin bahda saxaafadda mid keliya oo ku qanacsanayd inay sax ahayd ruqsadii laga qaaday HAATUF. Markaa waa dad nac iyo xumaan gaar ahi ku jirto iyagu nacooda ha u dhintaan laakiin anigu dulmi iyo cadaalad kuma dhex milo aragtidayda siyaasadeed daalin iyo madluumna iima sinmaan ee mar kasta waxan la jiraan oon u hiiliyaa madluumka. Xukuumaddii saaxiibkay Axmed Silanyo maalintii aan tooska uga hor imi waxay ahayd maalintii Cabdiraxmaan Cabdilqaadir dhabarka laga jebiyay. Miyuu jiray qof ka saxaafadda ka hadlay oo shaashadda Tvga isa soo taagay isla markii Cabdiraxmaan dibadda looga soo tuuray shirkii oon Cali gurey ahayni?, maya muu jirin kumay dhici karayna kuwa maanta qabyaaldda laga soo daayay indho la’aanta ahi. Markaa kuwa hadalka sidaa u dhigaya waxa u muuqda maaha Haatuf oo Wargeys ah ee waa Yuusuf Cabdi Gaboobe oon mujaahid soo halgamay iyo muwaadin lagu xadgudbay midna ahayn ee reer hebel ah.

Bahda saxaafaddu inay saxaafad ahaan isugu hiiliyaan bay ahayd oo hadii mid ka mid ah lagu xadgudbo inta kale iyo ururka saxaafadda madaxbanaaniba u hadlo. laakiin marka maanta ay kuwo ka xun yihiin Haatuf baa ruqsaddii loo soo celiyay hadda iyaga beri hadii ay tii Haatuf ku dhacday ay ku timaado waa maxay waxa ay ka filan karaa? Halka waxa lagu wado waxan ka baqayaa in beri dhaw wax walba qabyaalad loogu kala qaybsamo xataa tilfoonada maanta la wada sito oo qaarba mid loo daayo ilayn ficil rag tu walba wuu kuu geeyaa baa la yidhiye. Allow noo sahal

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here