Dalkee Ayuu Ka Dhacay Kufsi Wadareedkii Ugu Caansansa Taariikhda Dunida !

0
1277

Waxa Hubaal ah in kufsigu uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dhaawaca Karaamada iyo Sharafta qofka dumarka ah, laakiin waxa xaqiiqo ah in dad badan oo inaga mid ahi aanay wali maqal Kufsi waddareedkii ugu caansanaa ee Dunida soo maray.

Sanadkii 1945kii waxa dalka Germany ka dhacay kufsi waddareedkii ugu Caansanaa ee ka dhaca Caalamka, ciidammadii midawgii soofyeeti ayaa waxay galeen dalkaasi waxa aanay kufsadeen Dumar aad u tiro badan oo Dalkaasi u dhashay sida lagu baahiyay Wakaaladda wararka ee Al-Arabia.

Galitaankii ciidammadan ayaa waxay ku soo beegantay xilli raggii u dhashay Dalkaasi ay ku maqnaayeen jiidihii hore ee dagaalkaasi, waxaanay magaalooyinka Dalkaasi ahaayeen kuwa ka madhan ragga oo ay ka dhex muuqdeen haween kaliya.

Sidaasi awgeed, ciidammadii midawgii soofiyeeti kamay laba lugoodin oo haweenayda iska caabisana qudha ayey ka jarayeen waxaana halkaasi ka dhacday kufsi waddareedkii ugu caansanaa taariikhda Dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here