Madaxweynayasha Donald Trump iyo Kim Jong-un oo kulmaya bisha May ee soo socota.

0
960

Muddo sannad ah oo hadallo kul-kulul oo ay hawada isu marinayeen madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa waxaa uu ku soo gaban-gaboobay kulan taariikhi ah oo labada dhinac dhex mari doona bisha May ee sannadkan.

Kulankan taariikhiga ah ayaa waxaa kasoo shaqeeyay dowladda Koonfurta Kuuriya oo dhowaan wafdi u dirtay Waqooyiga Kuuriya kaas oo ka dhaadhiciyay labada madaxweyne in ay kulmaan islamarkaana ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aqbalay la kulanka Kim Jong-un, walow uu horay ugu xiray kulan dhex mara labadooda shuruud ah in Waqooyiga Kuuriya ay meel saarto barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Kulankan haduu qabsoomo ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay abid ee si fool-ka-fool ah u dhex mara madaxda labadaasi dal ee Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa laga caddeeyay in uu aqbalay madaxweyne Trump kulankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here