Siyaasi Mucaarad Ah Oo Xukuumadda U Soo Jeediyey In Tallaabo Laga Qaado Beelaha Dararweyne Ku Dagaalamay Ta Jebisay Heshiiskii Hore Ee Nabadeed

0
704

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo hadda ka mid ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Dagaal dhawaan deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag ku dhex maray laba Beelood oo Walaalo ah.
Xuseen Axmed Caydiid wuxuu sheegay in Dagaalka labada Beelood dhex maray aanu ahayn kii ugu horreeyay, balse ay dhowr jeer oo hore dagaalameen oo ay khasaare laxaadle isku geysteen, sidaasi darteed Xukuumadda looga baahan yahay inay Tallaabo ka qaaddo Beesha Jebisay Heshiiskii Nabadeed ee Xukuumaddii hore kala dhex dhigtay, maaddaama oo ballanku ahaa in Ciddii heshiiska jebisa Tallaabo laga qaado.
Xuseen Axmed Caydiid oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa dhaliilay in Madaxda Xukuumaddu ay Waano iyo Codsi Warbaahinta u mariyaan labada Beelood, halkii ay ahayd buu yidhi in Beesha Jebisay Heshiiska jebisay lagu fuliyo wixii heshiiskaasi jidaynayey, waxaanu yidhi “Hadduu Madaxweynaha yahay, hadduu Wasiirka arrimaha gudaha yahay, hadduu Guddoomiyaha Guurtida yahay iyo hadday Madax-dhaqameedka yihiin waxa lagu celcelinayey Waano, taasi oo ah inay labada dhinac Dagaalka joojiyaan, iyadoo aad mooddo in loo hadlayo sidii laba Beelood oo cusub oo Maanta uun isku dhacay, laakiin Heshiiskii u dambeeyay ee labada Beelood ayaa sheegayey in Culays gaar ah la saaro Ciddii heshiiska jebisa, markaa waxa la tabayaa Culayskii Xukuumaddu saari lahayd arrinkaa (Cidda jebisay) Heshiiska.”
Mr. Xuseen Axmed Caydiid wuxuu sheegay inay adkaan doonto Heshiis dambe oo labada Beelood la kala dhex dhigo haddaan imika Xukuumaddu wixii heshiiskii hore dhigayey ku fulin Beesha jebisay Heshiiskaa “Haddii heshiiskii la wada galay uu dhinac jebiyo oo wixii lagaga heshiiyey lagu fulin waayo, waxa dhib noqon doonta sida heshiis kale u xidhmi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay kalsoonidu yaanay lumin, oo wixi Xukuumaddu tidhi waxaas ayaan ka qaadi doonaa Ciddii heshiiska jebisa inay ka qaaddo ayaa la eegayaa.”

“Dadka Ku Dagaalamay Dararweyne Waxaan Idiin Leeyahay ‘Kii Wax Dilay Iyo Kii La Dilayba Waa Ehelu Naar Ee Ogaada……..” Faysal Cali Waraabe
Hargeysa, 25 Jeeniweri, 2018 (Himilo) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa baaq nabadeed u diray Beelo Walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhex maray Deegaanka Dararweyne oo ka mid ah Degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha UCID oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale beeniyey hadal uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku sheegay in Xukuumaddu labada Beelood ee Dararweyne ku dagaalamay midkood taageerayso, waxaanu sheegay in hadalkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, isla-markaana Xukuumaddu tahay ta Ciidammada kala dhex dhigtay labada Beelood markii ay dagaalamayeen.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ninkii lahaa Suldaan baan ahay ee lahaa Dawladda ku jirta (Dagaalka Dararweyne) waa been oo wax Dawladdu ku jirtaa ma jirto, Dawladdu waatii horeba idiin kala qabatay ee Ciidanka furinta ka soo qaadday ee idin kala dhex galaysay”
Guddoomiye Faysal wuxuu farriin Waano iyo wacdi ah u diray Beelaha ku dagaalamay Dararweyne “Dadka ku dagaalamay Dararweyne waxaan idiin leeyahay ‘kii wax dilay iyo kii la dilayba waa Ehelu naar ee ogaada..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaad tihiin Wiil iyo Abtigii oo wax is-dhalay baad tihiin, wax isku kiin dhaamaa ma jiro oo ma kala tagaysaan oo ILAAHAY baa meesha idinku wada abuuray, markaa waxaanu idin leenahay Nabad qaata oo is-cafiya, dhimashaduna intaa haku joogto, waxaanu jecel nahay inaan dhiig dambe daadan.”

“Waxaad Mooddaa Inay Sii Yaraanayso Qiyamkii & Mabaa’diidii Xirfadda Caafimaadku..” Wasiirka Caafimaadka
Hargeysa, 25 Jeeniweri, 2018 (Himilo) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay Hawl-wadeennada caafimaad ee Somaliland leedahay yihiin kuwa ku filan baahiyaha Caafimaad ee Dalka yaalla.
Wasiirka Caafimaadka oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad Xarunta Wasaaradda loogu qabtay bilowga Kormeero uu Madaxweynuhu ku samayn doono Hay’adaha Dawladda Somaliland, ayaa sheegay in Cududda Shaqaalaha Caafimaadka ee Somaliland tahay mid la isku hallayn karo, balse ay jiraan Dhaliilo Shaqaalaha gudahooda ah, kuwaasi oo uu ka xusay ilaalinta Wakhtiga oo aanay ku wanaagsanayn.
Sidoo kale, Wasiir Xasan wuxuu Hadalkiisa ku sheegay inaad mooddo inay sii yaraanayaan Dhakhaatiirtii lahaa Qiyamka ee dhowrayay Mabaa’diida Xirfadda Caafimaadku leedahay.
Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mudane Madaxweyne, Cududda Shaqaalaha Caafimaad ee aynu Maanta haynaa waa mid lagu kalsoonaan karo, waa mid ka jawaabi kara baahiyaha Caafimaad ee jira”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay isagoo toos ula hadlaya Madaxweynaha “Waxaanse kuu sheegayaa inaanu leenahay dhibaatooyin dhexdayada ah, in aanaan Shaqadayada aad uga adkayn, in aanaan wakhtiga aad u ilaalin, inaanu marmarka qaar iska dhego-tirno waxyaabo muhiim ah” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaad mooddaa inay sii yaraanayso Qiyamkii iyo Mabaa’diidii ay Xirfadda Caafimaadku lahayd. Waxaanu isku dayeynaa in wixii ducuf (Dhaliil) ee aanu lahayn dhinac iska dhigno..”

“Labada Beelood Ee Dagaalamay Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Maaha Beelo Arrintaa Xallin Kari Waayey..”Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar

Boorama, 25 Jeeniweri, 2018 (Himilo) – Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar oo ah Sheekhul beledka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalaha ah ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dararweyne ee Gobolka Sanaag.
Sheekh Cabdillaahi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa ku taliyey in Xallinta khilaafka labada beelood la mariyo Sharciga Islaamka isla-markaana la Qisaaso Qof kasta oo Qof dilay, si labada Beelood u kala bogsadaan oo ay raali u kala noqdaan.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu baaq nabadeed u diraynaa Beelaha Walaalaha ee ku dagaalamay Dararweyne oo ah aagga Ceel Af-weyn, wixii hore u dhacayna Sharciga Islaamka hala mariyo, inta dhaawaca ah Alle ha shaafiyo, wixii Wax Dilay Sharciga Islaamka hala mariyo oo ama Qisaaso ama Diyadii ha laga qaado oo yaan loo dhaafin oo aan la odhanin hala isku tuuro. Dadkaa waxa lagu bogsiin karaa wixii wax dilay oo la qisaaso ama diyadii oo la bixiyo.”
Sheekhu wuxuu tilmaamay in Dhiigga Dadka Muslimka ah ee is-dilaya uu sabab u yahay Abaaraha ku soo noqnoqda Somaliland “Dhiigga Fool-xumadiisu waa waxa Waddankeena Abaaraha keenaya, meeshii oo keliya maaha ee Arlada oo dhan buu saamaynayaa, kaa bari ka dhacay Abaartiisu waxay dhici kartaa inay galbeed ka dhacdo, ka Galbeed ka dhaca waxa laga yaabaa inuu Beriga ka dhaco.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Walaaleyaal dhiigga joojiya, Labada Beelood ee Dagaalamay mooyaane intiina hareerra joogtaana dambiga Dilka hala qaybsanina, qaybtiisu waxay noqonaysaa idinka oo isku shida ama isku huriya (Isku dira), ama inaad tidhaahdaan waxba nagama gelina waxay noqonaysaa ka qayb-gal dhiiggii ah.”
Sheekhu wuxuu sheegay in labada Jifo ee Dagaalamay Beelaha ay ka soo kala jeedaan dhamayn kari waayin khilaafkooda, balse ay hagranayaan “Labada Beelood ee Dagaalamay Beelaha ay ka soo jeedaan maaha Beelo arrintaa Xallin kari waayey, laakiin waxa ku jira dhayalsi..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ku baaqay “Waxaanu leenahay Xukuumadda ku garab gala maaddaama oo ay Ciidamo kala dhex dhigtay, waayo? Waxa Dadka kala bogsiin karaa waa odayaasha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here