Maraykanka: Adeegyada Xafiisyada Dawladda Oo Joogsanaya Iyo Sababta

0
488

Dowladda Mareykanka ayaa waajaheysa inay shaqayn waayaan dhammaan laamaheeda federaalka, kaddib markii ay Xildhibaannada Waddankaasi ku guul-dareysteen inay isku afgartaan Miisaaniyadda cusub oo ay ansixiyaan.

Ma caddeyn halka uu codku u badan doono, maaddaama oo xubnaha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqaraadiga ay ku kala qeybsameen arrimo muhiim ah.

Inkasta oo daqiiqadii ugu damebysay ay dhaceen kulamo ay yeelanayeen labada dhinac, haddana miisaaniyadda lagu maalgalinayo howlaha xukuumadda ilaa 16-ka bisha February ayaan helin codadkii loo baahnaa ee 60-ka ahaa.

Arrin tan la mid ah oo lagu curyaamiyay howlaha xukuumadda ayaa dhacday sanadkii 2013-kii, waxayna taagnayn 16 maalmood.

Xafiisyo badan oo dowladda ah ayaa xidhmi doono, haddii aan la ansixin Miisaaniyadda.

Haddiii ay dhacdo in howlaha xukuumadda ay joogsadaan, waxaa sii socon doono adeegyada muhiimka ah sida amniga qaranka iyo maamulka hawada.

Saacado ka hor codeynta, ayaa Madaxweyne Donald Trump waxaa ka muuqday rejo xumo, waxaanu bartiisa Twitter-ka soo dhigay “Arrintan uma wanaagsana Milletariga iyo amnigeena xili halis ay ka jirto xuduudda koonfureed”.

Trump ayaa sidoo kale ku casuumay hoggaamiyaha Xildhibaannada Xisbiga Dimuqaraadiga Chuck Schumer, Aqalka Cad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay socdeen wada-hadallada Miisaaniyadda, balse waxa ay ku guul-dareysteen inay xal isla gaadhaan.

Waxaana weli jira arrimo dhowr ah oo uu khilaaf ka jiro, waxaana ka mid ah kala duwanaanshaha fikradaha ee la xidhiidha waxyaabaha ay doonayaan xubnaha Dimuqaraadiga si loo kordhiyo muddada wada-hadallada illaa shan maalmood oo kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here