Madaxweyne Muuse Biixi Oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Farmaajo Iyo Waxa Ay Ka Wada Hadleen [Akhriso]

0
1418

Madaxweynayaasha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaa markii u horraysay ku wada hallay khadka Telefoonka, ka dib xiisadddii ka dhex dhalatay Somaliland iyo maamulka soomaaliya ee Puntland. Warar xogogaal ah oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in labada Madaxweyne ay Telefoon ku wada hadleen toddobaadkan dhammaaday ka hor intii aanu Madaxweyne Biixi u ambobixin magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. Wada hadalkan Telefoonka ah oo sida warku sheegay ay ka shaqaysay Xarunta caalamiga ah ee “CENTRE FOR HUMANITARIAN DIALOGUE”, waxa ay labada Madaxweyne kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah xiisaddii ka dhacday deegaanka Tuko-raq iyo suurtogalnimada in ay dib u bilaabmaan wada hadalladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadka galay. warka uu Geeska Afrika helay, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi uu wada hadlakaas Telefoonka ah ku soo bandhigay in xiisaddii Tuko-raq uu u arko dagaal ay dawladda Soomaaliya ku soo qaadday Somaliland, isagoo sheegay inaanay is hayn Somaliland iyo Puntland laakiin uu aaminsanyahay in dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo ay bilowday dagaal ciidan oo ka dhan ah Somaliland, waxaanu warku sheegay in Madaxweyne Biixi uu tusaale usoo qaatay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr Jamaal Xasan oo dhawaan socdaal ku yimid bariga-Sanaag, taas oo uu Madaxweynaha Somaliland sheegay inay tahay xad-gudub. Madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in uu ku dooday inaanu marna doonayn dagaal iyo dhiig daata,laakiin uu jecelyahay nabadgelyada islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo sidii xiisadda soo korodhay loogu dhammayn lahaa wada hadal. Wuxuu sheegay in uu jecelyahay inay labadoodu [Biixi iyo Farmaajo] hormuud u noqdaan in xiisadda la dejiyo islamarkaana laga dheeraado dagaal dhaca. Warka uu Geeska Afrika helay, waxa kale oo uu sheegay inay labada Madaxweyne isla soo hadala qaadeen in dib loo bilaabo wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay isla garteen in deg deg wadahadalladu u bilawdaan islamarkaan ay labadoodu hormuud u noqdaan kulanka u horreeya ee wada hadallada lagu bilaabayo, waxaaanu warku sheegay inay suurto gal tahay in dawladda Turkiga laga wareejiyo wadan hadalladan loogana wareego in dawlado kale dhex dhexaadiyaan. Ma jiro wax war ah oo ay Somaliland iyo Somaliya midkoodna ka soo saareen wada hadalkan Telefoonka ku dhex maray labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya

Xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here