Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Oo U Ambabaxay Bariga Dhexe

0
545

Madaxweyne ku xigeenka dalka Mareykanka Mike pence ayaa u ambabaxay bariga dhexe iyadoo aan la meel marinim miisaaniyadda dalka Mareykanka.

Booqashada afarta maalin ee Mr Pence ayaa horay loo baajiyay laba jeer oo hore kadib markii ay caro ka dhalatay go’aanka Madaxweyne Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Mr Pence uu madaxda dalalka Masar iyo Urdun uu kala hadli doona arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixiada.

Pence ayaa sidookale lagu wadaa in si diirran loogu soo dhaweeyo dalka Israel, halkaas oo uu kula hadli doona xilibaanada barlamaanka ee dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaan la kulmi doonin hogaamiyaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas oo dhaleceeyay siyaasadda Mareykanka ee Qudus

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here