USA: Halis Intee Leeg Ayuu Madaxweyne Donald Trump U Horseeday Caalamka ?

0
548

Caalamka ayaa noqday meel aan la isku halayn Karin tan iyo intii uu Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump bilaabay siyaasdahiisa ku salaysan horumarinta danaha Mareykanka iyo hadallada qalafsan ee ka yaabiyay waddamada ay saaxiibbada yihiin.

Balse arrintaasi ma waxa ay caalamka ka sii dhigaysaa meel sidii hore ka sii halis badan?. Maya ayaa la odhan karaa marka la eego waxa dhacay.

Madaxwayne Trump ayaa laga yaabaa in hadalladiisa qalafsan ee uu soo dhigayo bartiisa Twitter-ka ay sababeen cabsi, balse ma aanu lumin weli wadamadii ay saaxibbada ahaayeen ee su’aalaha uu ka keenay .

Ma bilaabin dagaal cusub waxaanu inta badan raacay raadkii Madaxwaynihii ka horeeyay, Barack Obama.

Inkastoo uu gilgilay arrimaha, balse haddana ma aanu qarxin. Balse abaanduulahan qayrul caadiga ah ma waxa uu qarka u saaray dunida xasarad?

Guusha bariga dhexe – kooxda dowlada Islamka

Tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxwayne Trump kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa lagaga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Kooxdii la baxday khilaafada Islaamka ee IS ayaa la cidhib tiray isla-markaana hadhaadigooda ayaa imika baxsad ku jira.

Kooxdani way jiraan qaybo kale oo caalamka ka mid ah oo ay wali ku firfircoon yihiin ,balse waxa ay noqdeen kuwo la jirid siibay oo halistooda la yeereeyay.

Dib u soo laabashada dagaalkii qaboobaa

William Perry oo ahaan jiray xoghayihii gaashaandhiga xilligii Bill Clinton ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Ruushka oo arrima badan isaga hor yimaadda ay tahay mid leh khatartii dagaalkii qaboobaa.

“Sababtoo ah Ruushka iyo Mareykanka ayaa iska hor imaanaya taasi oo ay caddaawad la socoto abuuraysana halis ah dagaal qabow,” ayuu yidhi Mr Perry.

“iyada oo ay sabab u tahay Mareykanka iyo Ruushka oo dib u dhisaya hubka Niyukleerka taasi oo dib u abuuraysa halis militari oo ah dagaal qabow”ayuu intaa ku daray.

Faragalintii lama filaanka ahayd ee Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku sameeyay Maraykanka xilligii Mr Obama ayaa waxay joojisay in ay wadahadalo micno leh ay yeeshaan labada dhinac.

Mr Trump ayaa isagu qaba rabitaan badan oo ku aadan in uu la hadlo Mr Putin. Balse lama hadli karo, iyada oo ay jirto xiisadda ka dhalatay muranka in Ruushka ay galangal ku lahaayeen ololihiisii doorashada.

Xidhiidhka Ruushka iyo Mareykanka ayaa imika ka sii xumaaday sidii uu ahaa xilligii uu Madaxwayne Obama xilka hayay.

Dublamaasiyaddii oo hoos u dhacda

Madaxwayne Donald Trump ayaa caddeeyay in uu Janaraallada ka door bidayo dublamaasiyiinta. Waxa uu soo jeediyay in la dhimo miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanu yareeyay galagalka dublamaasiyaddu ay ku leedahay go’aanada ammaanka qaranka.

Uma muuqo Mr Trump mid fahmaya amaba dan ka leh dublamaasiyadda. Dublamaasiyadda ayaa ah daryeel caafimaad oo ka hortag ah -waxa ay xalisaa dhibaatada ka hor inta ayna dagaal isu beddelin.

Haddii ay dublamaasiyaddu wiiqanto ayaa waxa waxaa laga yaabaa in dagaal yimaaddo.

Mareykanka oo dib u guranaya

Mr Trump ayaa bilaabay in uu dib uga gurto ku lug yeelashada Mareykanka heshiisyo caalami ah oo xalin lahaa dhibaatada caalamka.

Waxaa tusaale wanaagsan noqonaya in Madaxwayne Trump uu ka baxay heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris.

Mid aan la isku halayn Karin oo aan la saadaalin Karin

Waad ku doodi kartaa in Donald Trump shaqsiyaddiisa aan la saadaalin Karin ay ka xoog badan tahay ka go’naashiyihiisa in danaha Mareykanka wax waliba laga hormariyo.

Waxa ay arrintan carqalad ku keentay siyaasaddii arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Waxa ay arrinta u leexatay qoraalladiisa uu soo dhigo barta Twitter-ka oo noqday kuwo khilaafsan hadallada saraakiisha sarsare.

Taageerayaasha Mr Trump ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin aan la saadaalin Karin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here