BURCO: Maxkamadda Gobolka Togdheer Oo Xukun Dheer Ku Ridday Dambiileyaal Lagu Qabtay 227 Litir Oo Maan-dooriyaha Khamriga Ah

0
671

Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa Shalay Xukun ku ridday Saddex Nin oo lagu qabtay Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga, kaasi oo ay Ganacsi ahaan u geeyeen Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi.

Maxkamadda Gobolka Togdheer, ayaa Saddexda Nin ee lagu qabtay Khamriga Midkiiba ku xukuntay Saddex Sannadood iyo Lix Bilood oo Xadhig ah, Gaadhigii ay khamrigaa ku siteen oo isagana la qabtay ayaa Maxkamaddu ku Ganaaxday boqolkiiban Shan Qiimihiisa, halka Maxkamaddu wax dambi ah ku wayday Nin Afraad oo ku eedaysnaa ka Ganacsiga Maandooriyaha Khamriga.

Garsooraha Maxkamadda Gobolka Togdheer oo ku dhawaaqaya Xukunka Saddexda Nin ee Khamriga lagu qabtay ayaa yidhi “Maxkamadda Gobolka Togdheer waxay u fadhiisatay Dacwad ay eedaysanayaal ka yihiin Mahad Ismaaciil Maxamed oo 28 jir ah, Cabdifataax Aadan Xasan oo 25 jir ah, Cabdillaahi Cabdi Aadan oo 32 jir ah, Good oo maqane ah, Gaadhi Lambarkiisu yahay 52384, taariko kale oo Puntland ah sita, taasi oo Lambarkeedu yahay 37,800. Maxkamaddu waxay ku heshay ka Ganacsiga iyo soo gelin (dalka) Mukhaadaraad Saddexda Dambiile ee kala ah Mahad Ismaaciil Maxamed, Cabdifataax Aadan Xasan iyo Cabdillaahi Cabdi Aadan, waxayna Maxkamaddu midkiiba ku xukuntay 3 Sano iyo Badh Xadhig ah iyo Min 4 Milyan oo Ganaax ah. Maxkamaddu waxay gaadhiga Lambarkiisu yahay 52384 (Nooho) ku ganaaxday Boqolkiiba Shan Qiimaha Gaadhiga.”

Garsooruhu waxa kale oo uu sheegay “Maxkamaddu waxay Dambi ku wayday Good oo eedaysane ahaa. Dhicii aan ku qancin Xukunka waxa u furan inay Rafcaan kaga qaataan muddo 30 Cisho gudahood ah.” Ayuu yidhi.

Saddexda Nin ee Maxkamaddu xukuntay ayaa waxa 227 Quraaradood oo Maan-dooriyaha Khamriga ku qabtay Ciidammada Booliiska ee Saldhigga Maxamed Cali ee Magaalada Burco.

Dhinaca kale, Saraakiil ka mid ah Ciidammada Booliiska ee Gobolka Togdheer oo markii Xukunkaasi dhacay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay Maandooriyaha Khamrigu ku soo badanayo Magaalooyinka Gobolka Togdheer, Ciidan ahaana ay dagaal adag kula jiraan, iyagoo digniin u diray Cid kasta oo ku mashquulsan ka Ganacsiga nooc kasta oo Maandooriye ah.

Booliisku waxay u Mahad-celiyeen Shacabka Magaalada Burco oo ay sheegeen inay Ciidanka kala shaqeeyaan la dagaalanka Maandooriyaha, iyagoo sidoo kalena ka codsaday inay sii wadaan la shaqaynta Ciidammada amniga.

Ugu dambayn, Dadka Ganacsada Khamriga oo intooda badan ka soo waarida Dalka Itoobiya oo Xuduud dheer la leh Somaliland, ayaa waxay bilihii u dambeeyay Khamriga ugu badan geeya Gobollada bariga Somaliland, sida Sool, Togdheer iyo Saraar, taasi oo ay sabab u tahay Xuduudka dheer ee Itoobiya oo ka soo galaan meelaha leexsan ee aan Ciidammadu joogin.

Bishii hore ayay ahayd markii Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar Gacanta ku dhigeen Khamri badan Gaadhi ku rogay meel kayn ah, si loogu rarro gaadhi kale oo si qarsoodiya u geliya Magaalooyinka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here