Maamulka Puntland Oo Dawladda Somaliland Ku Eedeeyay In Ay Taageerto Alshabaab Ka Dib Xiisaddii Tukaraq

0
788

Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Alshabaab ee Qaska ka wadda Gobolka Bari iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka goboleedka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo Warbaahinta la hadalayay ayaa waxa uu ku eedeeyay Jamhuuriyadda Somaliland in ay daaweyn u fidiso dhaawacyada Alshabaab ee ku dhaawacma deegaannada Puntland sida Galgala iyo Af-urur.

Masuulkan Maamulka Puntland ka tirsan ayaa waxa uu eedo mala awaal ah dusha uga riday Somaliland waxaana uu ku eedeeyay in ay taageeraan Alshabaab islamarkaana dhaawacyada Shabaabka lagu soo daweeyo Hargaysa iyo Burco.

Hadalka Masuulkan ayaa waxa uu xidhiidh la leeyahay Xiisadda u dhaxeysa maamulka Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland ee Tukaraq halkaasi oo Ciidamada Somaliland Qabsadeen laba toddobaad ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here