Shuruudda Koowaad Ee Laga Rabo Hawl-wadeennada Dawladda Ee Hay’adda Shaqaaluhu Bilaabayso Tiro-koobkooda

0
603

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmaarka Axmed Muxumed, ayaa ka warramay qaar ka mid ah Shuruudaha laga rabo shaqaalaha Dawladda, kuwaasi oo dhawaan ay Hay’addu ku bilaabayso Tiro-koob.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shuruudda koowaad ee laga rabo Qofka Shaqaalaha ahi tahay inuu haysto Kaadhka Muwaadin-nimo, haddii aanu haysanna looga baahan yahay inuu ka qaato Wasaaradda uu ka hawl-galo oo la dhigi doono qalab lagu samaynayo.

Guddoomiye Sharmaarke oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shuruudda koowaad ee Qofka muwaadinka laga eegayaa waxa weeyaan inuu leeyahay Kaadhkii Muwaadinnimo, Kaadhkaasi waa ka keliya ee sugi doona inaad tahay Qofkii iska lahaa Magaca (Wasaaradda uga diwaangashan), haddaba si aad kaadhkaa u hesho, Hawsha qaybteeda koowaad waxay ka bilaabmaysaa Xarumaha Wasaaradaha ee Hargeysa, waxa lagaa doonayaa haddii aad leedahayna inaad deg-deg ugu gudbiso Xafiiska Shaqaalaha (Wasaaraddaada), haddii aanad lahayna waxa lagaa doonayaa inaad imika isku diwaangeliso, taasi oo keliya ayaa caddaynaysaa inaad tahay qofka Magacan iska leh.”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu wuxuu sheegay in Qofka kaadhka qaadan waaya loo aqoonsanayo Qof ku Mushahar qaadanayey Magac aanu lahayn “Hadda ogow iyadoo war-gelintani ku soo gaadhay oo Kaadhkaagii Muwaadin-nimo bilaash laguugu daabacayo haddii aad qaadan waydo Annaga waxay noo qoran tahay inaad tahay Qof aan Magacan iska lahayn oo Magac Qof kale doonaya inuu Magac Qof kale ku shaqaysto, Annaguna kuuma tix-gelin doono Qofkii Magacan iska lahaa. Marba Gobolka hawshu ka bilaabmayso ayaanu War-gelin doonaa, imika Ogeysiiskani wuxuu ku socdaa oo uu ku waajahan yahay Shaqaalaha Xarumaha Hargeysa ku sugan.”ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here