Guul-bay ku dhamaadeen Wada-hadalladii Somaliland Iyo Weftigii Cuslaa Ee Dawladda Imaaraadka Ka Socday

0
804

Toddobaadkii dhammaaday waxa JSL soo gaadhay Wefdi culus oo ka socday dalka imaaraadka carabta oo uu hoggaaminayay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka UAE Baashe Cawil, kuwaas oo  kulan muhiim ah  la qaatay Madaxweynaha JSl Muuse Biixi Cabdi.

Weftiganka culus ee ka socday dalka isutaga imaaraadka carabtu waxay derajadoodu gaadhsiisnayd heer Wasiir, waxaa wefdigaa ka mid ahaa madaxda Dubai Fund, iyo Khalifa Foundation, Laba masuul oo la taliyayaal u ah Wasiirka Madaxtooyada ee dalka Imaaraadka, Iyo 10 masuul oo ka tirsan  ciidamada  dalka UAE. Waxa kulankaasi ka soo baxay qodobbo guul u ah qaranka JSL iyo dalka UAE.

Muhiimadda kulankaasi waxay ahayd in mashaariicda horumarineed ee ay dawladda imaaraadku  ka waddo Somaliland sii libin laabto iyo Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hoosta ka xariiqay in uu sii xoojinayo xidhiidhka labada dal, sida iskaashiga dhinacyada horumarka, caafimaadka, waxbarashada, amniga, iyo  gudi labada dhinac ah oo la sammeeyay.

Dhinaca kale, Somaliland iyo dalka imaaraadku waxay isla garteen In Xidhiidhka labada dal ka dhaxeeyaa uu si toos ah Madaxtooyada JSL iyo boqortoooyada dalka  Isutaga Imaaraadku gacanta ugu  haynayaan.

Kulankaasi wuxuu ku soo dhammaaday Guul, waxaana halkaa ka muuqatay kalsoonidaa buuxda ee Dalka isutaga Imaaraadka Carabta Iyo Somaliland ku qabaan  safiir Baashe Cawil sida uu uga shaqeeyo xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya.

Ugu dambayntii, arrintani waxay naxdin iyo guul darro u soo hoysay dad badan oo danaynayay in ay kala kiciyaan ama caqabad geliyaan hawlaha horumarineed  ee labada dal ka dhaxeeya, iyaga oo siyaasad kale uga faa’iidaysanaya hadday yihiin cadawga JSL,  hadday yihiin ba Rag mucaaridad  ku xumaynta dawladdii Siilaanyo wadey  iyo raggii hawshan ka soo shaqeeeyay oo safiirku ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here