Farriin Cabsi Iyo Argagax Gelisay Dad Ku Dhaqan Gobolka Hawaay Ee Dalka Maraykanka

0
799

– Guddoomiyaha gobolka Hawaii ee waddanka Mareykanka, David Ige, ayaa sheegay in mid ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo waajahan, taas oo dadka loogu diray digniin ah in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo waajahan yahan yahay.

Mr Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay waxaanu sheegay in la qaaday tallaabooyin loogaga hortageyo in khaladkan uu markale soo laabto.

Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxdii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo waajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.

Farriin lagu soo gudbiyay Mobile-ka ayaa dadka loogu sheegay “Gantaal riddo dheer ayaa gobolka Hawaii ku soo waajahan ee gabbaad raadso. Tani ma ahan ciyaar ciyaar”.

Balse markii dambe digniintaasi ayaa waxa ay noqotay mid si khalad ah lagu diray.

Badhasaabka gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.

Dhanka kale dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baadhitaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.

Hannaan lagu diro farriimmaha degdega ah ayaa gobolkaasi ku rakiban sababtana waxaa lagu sheegay halka uu gobolkaasi ku yaal oo ay suuragal tahay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay soo gaadhi karaan.

Gobolka ayaa markii ugu horraysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa ee dunida waxa uu bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay dhawaaqa digniinaha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here