Mid ka mid ah qoyska xukuma Dalka Qatar ayaa sheegay inuu ku xidhanyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Farriin muuqaal ah oo uu ku baahiyey Internet-ka ayuu Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ku sheegay in uu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan xidhan yahay.
Wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaadha uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaaraadku.
Sannadkii hore ayaa Sheekh Cabdallah wuxuu wada-hadallo heer sare ah ku galay Sucuudiga ka dib markii boqortooyada Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ay dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay, wallow Qatar beenisay eedaymahaa.