Masuuliyiin Sar Sare Oo Ka Socda Wasaaradda Shaqo-gallinta Iyo Arrimaha Bulshada Oo Kormeer Ku Tagay Xarumaha Darbijiifta Magaalada Burco

0
783

Masuuliyiin sar sare oo ka socda wasaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada oo safar ku marayay gobolka Togdheer ayaa kormeer ku sameeyay goobaha lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifta ee ku yaala magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Sidoo kale masuuliyiintan ayaa kormeer  ku sameeyay xaafadaha kala duwan ee ay ku dhaqan yihiiin dadka danyarta ah.

Ujeedada guud ee safarkan ayaa ahaa xogo-gaal u noqoshada xaalada caruurta darbi-jiifta ah iyo dadka danyarta ah kuwaasi oo ku nool qaynabaha kala duwan ee magaalada Burco.

Isu-duwaha wasaaradda  shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada ee gobolka Togdheer Ismaaciil Xayir ayaa usoo jeediyey dawladda Somaliland inay ballaadhiso goobaha lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifta ah isagoo intaa ku daray inay baahanyihiin goobo ay ku ciyaaraan.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka socday wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada aya dhamaantood farta ku fiiqay inay u yimaadeen si ay wax uga ogaadaan xaalada guud iyo baahiyha kala duwan ee ay qabaan dhamaan caruurta darbi-jiifta ah ee ku dhaqan magaalada Burco.

Guud ahaan gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco waxa ku yaala xarumo badan oo lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifta ah iyadoo ay gacanta ku hayaan Hay’addo, NGO iyo Isla markaana ay jirto xarun uu gacanta ku hayo Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka tirsan golaha deegaanka maagalada Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here