Maxaabiis Ka Badan Boqol Oo Budhcad-badeednimo Ugu Xidhnaa Dalka Hindiya Oo Soomaaliya Lagu Soo Celinayo

0
504

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in Boqollaal Soomaali ah laga sii daayo Xabsiyada dalka India.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya dedaal dheer ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xilliggaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto Falalka Budhcad-badeednimo ee ku xidhan dalka Hindiya.

‘’Waxaan idin xaqiijinayaa in Boqol Maxaabiis Soomaaliyeed ah aan ka soo deynay xabsiyada dalka India, kuwaa oo hadda sugaya oo kaliya in lagu soo daro maxaabiis kale oo iyaguna la sii deynayo iyo diyaaradii u soo qaadi laheyd Soomaaliya’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.

Dalka India ayaa ka mid ah dalalka ugu badan oo ay ku xidhan yihiin maxaabiista Soomaalida, kuwaasi oo loo heysto oo fal dambiyeed la xidhiidha Budhcad-badeednimo, inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Sidoo kale bisha February ee sanadkan ayaa la filayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyagana ku xidhan xabsiyo kala duwan oo isla dalkaasi ku yaala.

Maxaabiista haatan la sii daayay ayaa hore racfaan u qaatay oo ah in laga khafiifiyo wakhtiga, balse waxaa diiday maxakamad ku taala dalkaasi oo go’aamisay in xukunkooda ay dhameystaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here