Dawladda Somaliland Oo Badda Ka Joojisay Kalluumaysatada Shisheeye Ee Liisammada U Haystay

0
838

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay inay Badda ka Mabnuuceen Maraakiibtii ka kalluumaysan jiray, hadday yihiin kuwo Liisammo haysta iyo hadday yihiin kuwii sida Sharci-darrada ah uga Kalluumaysan jiray.

Wasiir Gaafaadhi oo Shalay hadal u jeediyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ansixiyey Wasiirro uu ka mid ahaa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Baddeena, Maraakiib dhib weyn geysta oo ka kalluumaysta ayaa Liisan la siiyaa, waxna sidooda ayay u tuugaystaan, sida Doonyaha Yemen iyo wxii la mid ah, markaa Khamiistii waxaanu soo saarnay in wixii Liisan lahaa la joojiyo, wixii badda ku jiraana ay ka baxaan, hal markab baa ku hadhsan, Labaatan Cisho ayaa u hadhsan, markaasi ka dib ayuu sidaa ku tagayaa haddii Alle yidhaahdo.”

Wasiirka Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysigu waxa kale oo uu sheegay “Wareegto labaad oo aanu soo saarnay waxaanu ku joojinay in la ugaadhsado kalluun Libaax yar ah oo ay Kalluumaysatadu ula baxeen ‘Indho tooshle’ oo beerkiisa la shiilo, kaasi oo Badihii kale laga Mabnuucay Ugaadhsigiisa, Maantana Xeebaheena la iskugu soo biyo shubtay, si Xaad-dhaaf ahna loo Ugaadhsado, markaa waxaanu soo saarnay Wareegto ah in wixii ka dambeeya bisha 15-keeda aan la ogolayn in laga ugaadhsado..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay ku dedaalayaan in Somaliland dhoofiso Hilin Qaydhiin, halkii ay awal ka dhoofin jirtay Xoolo nool oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here