Lamaane Facebook Iska Helay Oo Lix Maalood Ka Dibna Is Guursay

0
735

Qof kaste oo Facebook isticmaala wuxuu arkaa waxyaabo uu la yaabo.

Waxaa ka mid noqon kara dad aadan aqoonin oo kugu soo darsada, qol ay koox furatay oo xubin lagaa dhigo adigoon dalbanin iyo qoraallo iyo sawirro lagula wadaago adigoo aan rabin.

Laakiin nin Nigeria u dhashay ayaa heer cusub gaarsiiyay layaabkii markii uu soo bandhigay xayaysiin aan caadi ahayn.

Chidimma Amedu ayaa qoraal soo dhigay Facebook 30 Disembar, isaga oo dumarka waydiistay in ay la soo xiriiraan haddii ay guur diyaar u yihiin, sida uu BBC-da u sheegay.

Qorsha guurka

“Ma yari oo wakhti badan baan soo noolaa, arrintaasna ma qarinayo, diyaar baana u ahay in aan qirto. Wakhti dambana iskama luminayo.”

“Isoo dira codsiyadiina – gabadha ugu dhibco badata ayaana guursan doonaa lixda bisha Janaayo ee 2018ka. Soo gudbinta codsiga wuxuu ku egyahay saqda dhexe ee 31/12/2017,” sidaa ayuu Facebook ku qoray.

Markale ayuu qoraal kale ku xoojiyay isaga oo yiiri

“Arrintan waa iga dhab, haddaba ha oranin qoraalkaaga ma arkin. Nasiib wanaagsan.

 

Dhawr ruux ayaa qoraalkaas uga soo jawaabay, laakiin waxaa dareenkiisa soo jiitay midda uga timid Sophy Ijeoma

Waxay u qortay “Anigaa ku danaynaya…….. ceeb..” astaanta qosolka ee lols ayayna sii raacisay.

Markii hore waxay la ahayd kaftan, waxayna qoraalkaas u qortay in sheekadu sii socoto oo kali ah.

Nin meeli u caddahay

Fariin gaar ah ayuu u diray ka dibna Facebook ayuu ka wacay kaas oo bog cusub u furay noloshii gabadha.

maalintii arooska ee Chidimma Amedu

Labo maalmood ka dib markii ay sheekadii u horraysay dhex martay, wuxuu galay safar 500km ah, wuxuu ka baxay Abuja oo deggan yahay, si uu u tago Enugu oo ay gabadhu ku nooshahay.

Waxay ku sugaysay bannaanka dukaan tafaariiqda lagu gado waxayna kulankoodii koobaad ku tilmaantay “jacaylkii aragtida ka billawday”.

“Waa ninkii dunida ugu quruxd badnaa ee aan waligay la kulmo. Markaan arkayba waan ka helay”. ayay tiri

Ka dib labo saac oo ay wadahadal “adag” yeesheen wuxuu ka dalbaday in ay la booqato adeerkii oo ay gabadha isku magaalo ku nool yihiin.

Markaas waxaa la waydiiyay waxa madaxeeda ka guuxaya, waxayna tiri kaftan kaftan ayay ila yara tahay, laakiin way ku faraxsanayd in Chidimma uu hawsha si wanaagsan u waday

Dhaqanka iyo casriga kulmay

“Waxaan galnay guriga adeerkii wuxuu yiri: ‘adeer waatan gabdha aan rabo in aan guursado.”

Chidimma qoyskiisana hawsha dib ma aysan u sii dhigin adeerkiisana wuu ku raacay.

Arooskii lamaanaha

Dhaqanka Igbo waxaa qayb muhiim ah ka ah in qoyskaagu ay ku qancaan gabadha aad nolosha wadaageysaan.

In aad xayaysiin Facebook soo dhigto gabdhihii kuu soo jawaabay mid ka mid ahna aad maalinta lixaad guursato arrin sahlan ma aha. haddaba sideed u guursan kartaa qof aad hadda uun is barateen?

Gabadhu kama hadlayso in ay xataa halmar isu soo dhowaadeen, balse waxaa ka muuqatay ka go’naansho.

Waxay tiri “markii u horraysay een arkayba waan ka helay, balse ma ogayn sida ay uga go’antahay in uu i guursado,”

“Markii aan adeerkii iyo xaaskiisa u tagnay ayay ii xaqiiqawday in arrintaasi ay rumoobi karto waana rabay” ayay intaas ku sii dartay.

Doonitaankii

Markaan walwalku xageeda ayuu u ciiray oo waa in ay qoyskeeduna ogolaadaan guurka nin ay Facebook uun isku arkeen.

Laakiin dardartii ay ku socdeen ma aysan joojinin. maadaama ay kulmeen aragtidii koobaadna ay ku jeclaatay, Chidimma adeerkiina soo dhaweeyay, markaas ayayna go’aansadeen in ay booqdaan qoyska Sophy isla maalintaas.

A family member felicitate with the couple

Sophy aabaheed wuu dhintay marka hooyadeedna waxay tiri anigu hawshaas ma gali karo ee walaalkaa kaa wayn haku bixiyo.

Markaas haddii walaalkeed ogolaado hawshii qoysaskooda ayaa dhan uga dhacday.

Markii uu dhawr su’aalood waydiiyayna wuu bixiyay, sidaas daraadeed waxay noqdeen dad si rasmi ah isugu doonan, si ay lix maalmood gudahood isugu guursadaan.

The happy couple cutting their cake

Sophy ayaa la waydiiyay in ay ku dagdageen balse way diiday arrintaas, waxayna tiri: “waad qaadan haddii aad aragto wixii aad u baahnayd.”

In kabadan hal sano ayay saaxiib ku ahaayeen Faceebok, balse xayaysiinta guurka ka hor ma aysan kulmin mana aysan wada hadlin, kaftankii waan kuxiisaynayaa ahaa ayuuna qoys cusub ka dhashay.

Ma isku nagaan doonaan?

Lixdii bishii koobaad ayay is guursadeen waxayna dhigeen xalfad dhaqanka Igbo waafaqsan, sawirradii arooskooda ayay Facebook soo dhigeen, dad badan ayaana arrintaas ka yaabay.

Chidimma ayaa ku qoray Facebook dadka waxay la ahayd in aan kaftamayo balse way cadday oo xaalku sidaa ma ahayn.

Sida la fili karana dadka way ku kala argati duwanaayeen, laakiin dad badan ayaa taageeray lamaanaha lixda maalmood isku calmaday.

Waxay rajaynayaan in ay aroos kale dhigtaan, dalxiisna u aadaan meel kale oo wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here