DEG DEG:- Natiijo Kasoo Baxday Baadhitaankii Caafimaad Ee Trump

0
855

Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan.

Dhakhtarkan ayaa baadhitaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.

Ronny Jackson,oo fuliyay baadhitaankan oo qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baadhitaanada ay si wanaagsan u dhaceen.

Dhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Salaasada xaaladda caafimaadka ee madaxwaynaha.

Baadhitaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su’aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.

 

Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan uusan madaxwayne Trump fayoobeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here