Dhul Garriir Laxaad Leh Oo Ku Dhuftay Xeebta Honduras !

0
730

Dhul garriir laxaad leh isla markaana awoodiisa lagu sheegay 7.6 Derajada Hiktarka ee lagu cabiro dhul garriirka ayaa waxa uu ku dhuftay Badda Kariibiyaanka gaar ahaan Xeebaha Honduras.Arrintaasi ayaa waxa cadeeyay Machadka Sahaminta Cilmi-baadhista ee Dalka Maraykanka waxaaanu machadku sidoo kale shaaciyay digniino ah inay dhici doonaan duufaanada Sunaami.Dhul garriirkan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu keensaday waxaanu dhul garriirkaasi dhacay subaxnimadii shalay Arbacadii, sidoo kale Machadka ayaa waxa uu sheegay in Dhul garriirkani uu yahay mid tusinaya in Duufaanada Sunaami ay ku daba jiraan isla markaana ay habboon tahay in laga feejignaado.Dalalka la filayo in Duufaanada Sunaami ku dhuftaan maalmaha soo socda ayaa waxa ka mid ah Dalalka Cuba iyo Mexico iyo Honduras, khatarta duufaanadaasi ayaa la filayaa inay halis galiyaan saddexdaasi dal waana sababta uu machadkaasi usoo saaray digniinaha kala duwan. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here