Gobolka California ee Dalka Maraykanka ayaa waxa ku habsaday Daad Laxaad leh oo sababay dhimashada 13 qof, iyo burburka iyo baaba’a Waddooyin iyo guryo.
Magaalada Montesito ee Gobolkaasi ayaa ah Magaalada ay daadadkaasi ka soo gaadheen dhibaatooyinka ugu badan, Madaxda gobolkaasi ayaa waxay sheegeen in Meydadkii dadkii geeriyooday laga helay dhismayaal dumay hoostooda iyo sidoo kale goobaha ay biyuhu maraan.
Bill Brown oo ku hadlayay Afka ciidammada ka qayb qaatay gurmadka loo fidinayay Dadka ku nool gobolkaasi ayaa waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in tirada dadka dhintay ay ilaa iyo haatan tahay 13 qof, waxa laga yaabaa in tirada dhimashadu ay kor u sii kacdo, aad ayaan uga xunahay arrintaasi”.
Ciidammada Dab-damiska ee gobolkaasi oo ka qayb qaatay gurmadka ayaa waxay sheegeen inay adeegsanayaan Ey Bilayska ah si ay u helaan Dadka dhintay ee aan ilaa iyo hadda lahaynin meydadkooda kuwaasi oo la filayo inay ku hoos jiraan dhismayaasha burburay.