Sicir-bararka Dollarka Oo Culays Nololeed Ku Keenay Shacabka & Guddiga Madaxweynuhu U Saaray Oo Laga Dhur-sugayo

0
786

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ee Somaliland, ayaa Cabasho ka muujiyey hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland iyo Kor u kaca Dollarka oo saamayn weyn ku yeeshay Qiimaha Maceeshadda daruuriga ah.

Dadweynaha oo la waydiiyey Rayigooda ku aaddan sicir-bararka Dollarka oo saamayn weyn ku leh Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa sheegay in Noloshu ku adag tahay Bulshada inteeda danyarta ah, sidaasi darteed loo baahan yahay in Xukuumaddu wax ka qabato.

“Sicir-bararku waa aafo, Dadkii waxa haysata dhibaato faro badan, Dadkii waxa iskugu soo hadhay laba Dabaqadood, Dabaqad Sare oo Hantiileyaal ah ama Hantida Ummada boobaya iyo Dabaqad taxadka ah oo Dhulka taalla oo wixii yaraa ee ay shaqaysanayeen ama soo galayey waxba u goyn la’yihiin. Dalka waxa loo doortay Dawlad, dawladdaas ayaa lagala xisaabtamayaa, markaa waxaanu leenahay Dawladdu wax haka qabato Sicir-bararka, hadday doonayso inay Kalsoonida Dadka kasbato.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Burco, waxaanu intaa ku daray “Magaalooyinka markaad eegto, Dadka waxa soo gelaya iyo waxa ka baxayaa isma laha, markaa waxaanu leenahay Sicir-bararka si Cilmiyeysan wax ha looga qabto.”

Mid kale oo ka mid ah Shacabka Burco ee arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Waxaad mooddaa in Lacagteennii meesha ka baxayso, waxaad mooddaa lacagtii Cad-cadka la odhan jiray ee Puntland oo kale, markaa waxa loo baahan yahay in Dawladdu qorshe Cad ka yeelato inay lacagteeda Qiimo u yeesho, markii qiimihii Shilinku hoos u dhacay waxa cidhiidhi gashay nolosha Dadka, hadday Ciidan tahay, hadday shaqaale tahay, wax Alaale iyo wixii Mushaharka ku qaadan jiray Shilinka Somaliland.”

Mid ka mid ah Dhallinyarada Magaalada Burco oo isaguna Arrintan Rayigiisa ka dhiibtay ayaa yidhi “Qiimaha Sarrifka Boqolka Dollar wuxuu marayaa Milyan iyo 15 kun oo Shilin, markaa waxay noqonaysaa in hadda ka dib Dollar keliya wax lagu iibsado, dabadeedna ay meesha ka baxdo Lacagta Shilinka Somaliland.”

Muwaadin kale oo fikirkiisa dhiibtay ayaa sheegay in wax ka qabashada Sicir-bararku u baahan tahay in Talo Qaran laga yeesho, ee aanay waxba ka qaban karin Wasiirro uu Madaxweynuhu u saaro “Afar Xubnood oo Wasiirro ah oo Sicir-bararka loo saaraa wax Alaale iyo wax ay biirinayaan ma jirto, waa Guddigii aanu hore u soo arki jirnay, markaa arrintani Talo Qaran ayay u baahan taahay.”ayuu yidhi.

Sicir-bararka ay Dadweynaha Burco ka hadleen, ayaan ku koobnayn Magaaladaasi oo keliya, balse Sicir-bararka Dollarka iyo kor u kaca Maceeshadda Quutal-daruuriga ah ayaa culays ku haya guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka Danyarta ah, sida Ciidammada iyo Shaqaalaha Dawladda ee Mushaharka ku qaata Shilinka qiimo beelay Somaliland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo og heerka Sicir-bararka Dollarku marayo, ayaa dhawaan Guddi Wasiirro ah u saaray inay arrintaa Xalkeeda doonaan, laakiin Xubnahaasi oo Shacabku isha ku hayo ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin hawshoodu halka ay marayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here