Khilaaf Ka Dhashay Aflagaado Loo Geystay Amiir Ka Tirsanaa Cusmaaniyiinta Oo Ka Dhex Qarxay UAE Iyo Turkiga

0
534

Turkiga ayaa si rasmi ah u beddelay astaanta waddada ay ku taallo saraafadda dalka Isutagga Imaaraatka uu ku leeyahay magaalada Ankara, ka dib hadal dhaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhexgalay.

Waddada waxaa loogu magac-daray Fahreddin Pasha, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka uu internetka ku baahiyay isagoo cambaareynaya sarkaalka oo hore uga tirsanaa Cusmaaniyiinta.

Cabdallah bin Zayed al Nahyan wuxuu Twitter-ka ku qoray eedeyn uu u jeedinayo Pasham iyo awoowayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mr Erdogan ayaa si adag uga jawaabay eedahaasi.

Farriinta Twitter-ka waxay sheegeysaa in Pasham uu si xun ula dhaqmay Carabta muddadii uu maamulayay magaalada Madiina, horraantii qarrnigii 20-aad, wuxuuna sheegay “in ciidammadii ninkaasi ay xidhiidh la leeyihiin Mr Erdogan.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa difaacay badhasaabkii hore ee magaalada barakeysan ee Madina, wuxuuna su’aal geliyay jiritaanka awoowayaasha wasiirka Imaaraatka.

Mr Erdogan wuxuu wasiirka u sheegay “in uu shaqadiisa garto” oo shimbirba shimbirkiisa uu la duulo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eedda ay tahay “aflagaado”.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dalka Imaaraatka ku tilmaamay meel ay kharibeen “lacag iyo shidaal”.

Diblumaasi sare oo Turkiga ka joogay Dubai ayaa looga yeedhay Ankara si uu cabasho rasmi ah u gudbiyo.

Xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ayaa xumaanayay bilihii ugu dambeeyay ka dib markii Turkiga uu la saftay Qadar oo khilaaf adag uu ka dhexeeyo wadammada khaliijka oo ku eedeeyeen in Doxa ay argagixisada taageerto.

Maayarka magaalada Ankara ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in magaca waddada la beddelay “Hadda laga billaabo, cinwaanka safaaradda waa in uu si rasmi ah u muujiyaa waddada Difaacaha Madina, Fahreddin Pasha. Nasiib wacan,” ayuu yidhi Mustafa Tune oo Twitter-kiisa ku qoray farriintaas oo ah luqadda Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here