Daawo:- Maayirka Magaalada Hargaysa Oo Diidey In Uu Ka Hadlo Khilaaf Isaga Iyo Xoghayaha Dawladda Hargaysa Soo Kala Dhex Galey

0
1104

Qoryaalenews(hargeysa):- Maayirka magaalada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Solteco ayaa ka gaabsadey in uu ka jawaabo khilaaf la sheegay in uu muddooyinkii u danbeeyey soo kala dhex galey isaga iyo xoghaya dawladda hoose.

Maayirka caasimada oo warbaahinta gudduhu maanta wax ka weydiisay khilaafkaasi waxa uu sheegay in aanu habayaraatee wax faahfaahina ka bixineyn, isla markaasina ay warbaahintu warkaasi u doonato dawladda hoose.

Dhanka kale xogahaya fullinta ee dawladda hoose Cali Xasan Cawaale ayaa isagu hore u shaaciyey in khilaaf ka dhex taagan yahay isga iyo maayirka caasimada, isaga oo ku tilaamay in maayirka caasimaddu dawladda hoose ka dhigtey shirkad uu isagu leeyahay.

Halkan ka daawo muuqaalka maayirka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here